berberatoday.com
Ciidamada AMISOM Ee Muqdisho Jooga Oo Midowga Afrika Wakhtigii Ukordhiyay
May 14, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Midowga Afrika, ayaa sheegay in howlgalka AMISOM, ay heli doonaan wakhti kordhin ku eeg  31-ka bisha Diseembar ee sanadkan, taa soo soo afjari doonta hubanti la’aanta dhinaca amniga ee Soomaaliya oo ay doorashooyin kusoo wajahan yihiin.

Go’aankan, ayaa la gaadhay Salaasadii shalay intii lagu guda jiray shirkii 15-ka xubnood ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee AU.

War murtiyeed laga soo saaray kulanka kadib, ayaa lagu sheegay in la isku raacay heshiis guud oo lagu kordhinayo wakhtiga howlgalka.

Golaha amniga Midowga Afrika, ayaa waxay isku raaceen in wakhtiga loo kordhiyo AMISOM illaa 31-ka Disember 2021.

Go’aanka, ayaa hadda loo gudbin doonaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, oo siiya amarka rasmiga ah ee AMISOM, si ay cod uga qaadaan dabayaaqada bishan.

AMISOM, oo ku sugneyd Soomaaliya tan iyo 2007, waxaa aas aasey midowga afrika si loo xasiliyo dowladda federaalka ee curdanka ah. Tan iyo xilligaas, waajibaadkooda, ayaa la kordhinayay sannad kasta, sababo la xidhiidha dhibaatooyinka amni ee ka imanaya kooxda al-Shabaab.

Sannadkan, Midowga Afrika iyo UN qorshahoodu wuxuu ahaa in ciidamada ka hoos shaqeeya AMISOM ay bilaabaan inay si tartiib tartiib ah uga baxaan, marka la gaadho Diseembar 2021-na ay Soomaaliya ka baxaan, marka laga reebo shaqaale farsamo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews