Xaaladda Dhoofka Xoolaha Somaliland Iyo Saamaynta Uu Keenay Cudurka Noociisu Ku Cusub Yahay Dalka
June 23, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed iyo masuuliyiiin ka tirsan wasaraadda ayaa ka warbixiyey xaaladda dhoofka xoolaha ee Somaliland.
Masuuliyiinta u sarreysa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskooda, waxa ay ka warbixiyeen cudur noociisu ku cusub yahay dalka oo ka mid ah xannuunnada ku dhaca Geella oo muddooyinkii u dambeeyey lagu arkay deegaagmo ka tirsan gobollada Somalilad.
Dr Cabdiqani Xaamud Cawaale oo ka mid ah dhakhaatiirta Caafimaadka ee Wasaaradda, ayaa ugu horeyn ka warbixiyey Xannuun lagu Magacaabo GUUX oo dalka ku cusub Kaas oo dhawaan ku dhacay xoolaha gaar ahaana Geella, waxaanu sheegay in xanuunkaasi uu kasoo talaabay dhanka xuduudda Itoobiya, wasaarad ahaanna ay ka hawl-galeen kana daweeyeen xoolahuu uu ku dhacay, xilliganna ay dadaal ugu jiraan sidii loo dabar jari lahaa.