berberatoday.com
Ma Daraato Raad Kaan Dhigaan Dib Ugu Soo Laaban?Siyaasi Cali Guray,
June 24, 2021 - Written by admin

Waxa la Yidhi Mayd Maxaa Ugu Dambeeyay iyo kan la sii sido. Golaha Wakiilada ee aakhirkii dirqiga lagaga kiciyay kuraasidu wuxu tirsanayay 16 sanadood. 2005tii Ilaa 2010kii oo uu muddo xileedkiisii sharciga ah ku fadhiyay wuxu ahaa gole uu mucaaridku hogaaminayay xilgii UDUB ee Rayaale Madaxwaynaha ahaa. Wax waliba waxay isbedeleen ka dib doorashadii Madaxtooyada 2010kii ee Kulmiye ku guulaystay, oo xataa Shirgudoonkii mucaaridka ahaa ee lagu doortay ay mar keliya xaga kale ka soo jeedsadeen ee ay muxaafidka fog noqdeen.

Waxa ka sii darnayd ka dib doorashadii Dawladaha Hoose markii UDUB oo 33 kursi lahaa uu saaxadda ka baxay xildhibaanadiisiina ay Kulmiye isku shubeen. Maaha iyaga uun xataa 21 ucid ayaa u janjeedhsaday xaga muxaafidka. Taasi waxay u suurogelisay muddo kordhimo midiba ay ta kale ku xigtay marka la isku darana 11 sanadood oo abaalgud ah laga siistay. Marka aynu waayo aragnimadaa leenahay hadii aynu qaladkii hore wax uun ka baranay in mar kale qaladkii hore inagu soo noqnoqdo maaha hadii kale gugii inoo kordhaybe waa gu’ BAAQDAY.

Dantu kuma jirto gole dambe oo abu dhaameel ah si toos ahna looga daaro madaxtooyada ee waxay ku Jirtaa gole inta badan ee mucaaridka ah ee ka soo baxay xisbiyada mucaaridku uu hogaaminayo si laxisaabtan iyo furnaani u jirto xukuumaddana aan jeeg furan la siinin ee lala xisaabtami karo. Hadii la waayo waxa masuul ka ah inta mucaaridka ka soo baxday ee la leexsaday if iyo aakhiro-na dumadooda weeyaan. Shacbigu soo doortayna Ilaahay hortii umay hiilin ee way ka hiiliyeen meel baas Alleh gee

Siyaasi cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews