berberatoday.com
Maxkamadda Sare Oo Shaacisay Tirada Dacwadaha La Xidhiidha Natiijadii Doorashada Ee Loo Soo Gudbiyay
June 24, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo sheegay in 23 dacwadood, oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd, ee golaha Wakiillada ay mudaysay Maxkamadda Sare dhagaysiga dacwadahooda, fadhigii koowaad ee lagu dhagaysanayana maanta la guddo-galay.

-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan cabashooyinkii murashaxiintu u soo gudbiyeen Maxkamadda Sare, waxaanu sheegay in dacwadaha shalay la mudeeyay oo ay taariikhdu ahayd 22/06/2021, maantana si rasmi ah ay maxkamadu u gudo gashay dhagaysigooda.

Ugu horayn guddoomiyuhu waxa uu warbixin kooban ka bixiyay ansixintii natiijada doorashada golayaasha deegaanka dalka oo shalay soo dhamaaday, taasi oo labadii todobaad ee u danbeeyay ay ansixinayeen maxkamadaha gobolada dalku, maadaama ay iyagu awood u leeyihiin ansaxinta iyo ka garnaqida dacwadaha ka yimaada golayaasha deegaanka sida uu dhigayo qodobka 153-aad farqada 2aad  ee  xeer lr 91/2020. Guddoomiyuhu waxa uu ku amaanay guddoomiyayaasha iyo garsoorayaasha maxkamadaha gobolada dalka, sida wanaagsan ee ay u guteen waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan, waxaanu xusay kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaateen maxkamadaha gobolada dalku dadajinta ansixinta natiijada rasmiga ah iyo dhaarinta golayaasha deegaanka dalka. isagoo dhinaca kalena u hambalyeeyay mudanayaashii loo doortay 20-ka degmo doorasho iyo maayarada iyo ku-xigeenadoodii, waxaanu Alle uga rajeeyay in uu ku asturo xilka loo dhaariyay.

Geesta kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in khamiistii 17/06/2021 ay ku ekayd wakhtigii la qabanayay cabashooyinka murashaxiinta Golaha Wakiilada, kuwaasi oo  ay tiradoodud dhamayd 25 cabasho oo 2 ka-mid ahi ka noqdeen, halka 23-kii cabasho ee kale loo gudbiyay Guddida Doorashooyinka Qaranka oo iyaguna 21/06/2021 ka soo jawaaay cabashadii ay Murashaxiintu kaga cabanayeen, waxaanu sheegay in shalay loo mudeeyay maantana si rasmi ah loo bilaabayo dhagaysiga dacwadaha.

Mar uu guddoomiyuhu sharaxaad ka bixinayay cabashooyinka iyo sida ay u kala leeyihiin Xisbiyada Qaranka iyo gobolada dalku ayuu yidhi “25-kaa haddaan u kala sheego sida ay xisbi ahaan u kala leeyihiin iyo sida ay gobol ahaan u kala leeyihiin, Xisbiga Waddani 4 cabasho ayaa ka yimid, Xisbiga UCID waxa ka yimid 7, halka xisbiga Kulmiye ay ka yimaadeen 12 cabasho. Marka gobol ahaan loo eego, gobolka Awdal waxa ka yimid 6 cabasho, gobolka Sool waxa ka yimid 5 cabasho, gobolka Togdheer waxa ka yimid 4 cabasho, gobolka Sanaag waxa ka yimid 2 cabasho, gobolka Saaxil waxa ka yimid 1 cabasho halka gobolka Maroodi-jeexna ay ka yimaadeen 5 cabasho.”

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa tilmaamay in dharaaro kooban Maxkamadu ku soo af-jari doonto dacwadaha la xidhiidha natiijada hordhaca ah ee golaha Wakiilada JSL oo ay Maxkamad Sare ee Dastuuriga ah awood u leedahay sida uu dhigayo Qod. 152 faqrada 1aad ee Xer.Lr 91, 2020, taasi oo ay hore ugu soo gudbiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku, waxaanu xusay in marka ay soo af-jaraan dacwadahan hadda soo gudbay, kadib ay Maxkamadda Sare sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqi doonto natiijada rasmiga ah ee golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, maalintaa ay ku dhawaaqdo maxkamadu go’aamada doorashada laga bilaabo ilaa 30 maalmood gudahoodna, waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu iskugu yeedhayaa golaha Wakiillada la doortay, sida uu dhigayo qodobka 44, faqradiisa koobaad Dastuurka JSL.

Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, hay’addaha dastuuriga ah ee qaranka dhammaantood, guddida doorashada qaranka, wasaaradda arrimaha gudaha iyo axsaabta qaranka sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen qabsoomida doorashada iyo dhamaystirkeeda, waxaanu ku tilmaamay doorka ay ka qaateen in uu ahaa door shariif ah.

Wa bilaahi tawfiiq.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews