berberatoday.com
“Maxaa Sababay In Uu Madaxweynuhu Gurigiisa Ku Booqdo Oday/Ganacsade Muuse Dalab?.Muxuuse Ahaa Doorka Ganacsade Maxamuud Qaalib? W/Q Maxamed Ciise Dhancade
July 7, 2021 - Written by admin

Madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi Ayaa dhawaan gurigiisa magaalada hargaysa ku booqday Oday Muuse Dalab isagoo uu weheliyo Gancsade/oday Maxamuud Qaalib.

Sawirkan Halkan Idiinka muuqdaa Ma aha sida looga Faaloonayo, wuu ka qoto dheeryahay Runtii. Odayaashan ka Muuqda Sawirkuna marka laga yimaado Saxafi Axmed Siciid Cige waa Musdambeedkii dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Markii tartankii Doorashadii Madaxweynuhu socday 2017-kii.

 

Haddaba Madaxwayne Muuse waa kii hore u yidhi Odoyaal ma Ogoli, Dadkii i doortayna fartooda ayay Eedi doonaan. Odayaashani Tacab, Daal iyo Dadaal dheer kadib markii Doorashadii uu ku guuleystay Khilaafkii iyo Buuqii ka dhashayna iska damay ballanqaadkii ciddii koobaad ee uu ku fuliyay iyaga ayay noqotay, isma se waydiin in uu dib maalin ugu baahan doono.

Haddaba Muuse Dalab iyo Maxamuud Qaalib Door noocee ah ayay Guushii Madaxweynaha ku lahaayeen?.

Maxamuud Qaalib aynu ku horraynee wuxuu ahaa Guddoomiyihii Ururkii HOODAALE ee beesha Sacad Muuse, waa Ururkii ay ku midoobeen Ganacsatadii, Garaadkii iyo Waxgaradkii Beeshaasi waa Ururkii Muuse markuu Guddoomiye Kulmiye ahaa uga hiiliyay raggii la tartamayay sida Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, Siyaasi C/casiis Maxamed Samaale.

Oday/Ganacsade Muuse Dalab Doorkiisu wuxuy ahaa mid aan la illoobi karin wuxuu ahaa mid cajiiba isagoo ahaa xiligaa Guddoomiyaha Ururkii DAN IYO DUCO ee beesha “Ciise Muuse” ayuu Beeshii Sacad Muuse Gogol u dhigtay isagoo matalaya Awal bari. Hool ku yaala Maansoor ayaa lagu kulmay, haddalkii waxa qaatay Oday Muuse Dalab oo ah Nin lab laguna yaqaano dhiiranaan iyo hal-adayg, Haddalkiisu wuxuu ku bilaabay “Haddaanu nahay Beelaha Awal bari amaba Ciise Muuse waxaan wadnaa murashax, waananu dhisaynaa ee nala dhisa oo nala doorta.”!!!

Yaab iyo Afqaladaad kadib oo yaad waddaan?.

Waxaanu wadnaa Muuse Biixi Cabdi.( Mujaahidka) !!!!

In la yaabo waxa keenayay Beesha Sacad Muuse Qoodha Kursi doonka Aad bay ugu badnayd markaas, Ina Biixi Yoonis iyo Samaaleba Muuse Loollan adag bay ku hayeen haddaanu Kulmiye iyo Ex. Madaxweyne Siilaanyo u hiilina Muuse xaalku wuu ku adkaan lahaa.

Haddaba Odayaashii, Duqaydii, Ninqarkii iyo Ganacsatadii Tacabkaa iyo Dadaalkaa kusoo bixiyay xaqiijinta Guushii taarikhiga ahayd Madaxweyne Muuse Biixi waa Ninka sida fudud albaabada uga xidhay.

Intaasi waxa dheer markii lasoo xulayay Murashaxiintii Doorashadii isku sidkanayd ee 31-kii may 2021 Ardaagii Guddoomiyihii HOODAALE Ganacsade Maxamuud Qaali inta reerku tashaday raggii hanka lahaana loo qori tuuray ayaa Maxamuud Qaalib u keenay Dr. Maxamuud Yuusuf oo Berbera reerka uga sharaxan iyo Sh. Axmed Dayib oo Hargaysa ah. Muddo kooban ka dib heshiiskii reerka waa lasoo farogaliyay oo Dr. Maxamuud Berbera kasoo noqo la yidhi oo Hargeysa kaalay Sh. Axmed Dayibna Berbera tag isjiid jiid dheer ka dib ma Qadarin mana maqal waxgaradkii Beesha ee hore iskugu raacay Arrintan ugu dambayn Maxamuud Qaalib uma tixgalin Tacabkiisii mana maqal, waxaana ka miisaan Cuslaaday Odaygii dhamaa Siyaasi raad barad ah oo ay isku jufo hoose yihiin Xaajiga.

Sidoo kale Oday Muuse Dalab looma dabo fadhiisan arrimihii Ardaagiisa hoose markii la xulayay raggii hanka siyaasiga lahaa, taas baddalkeeda waaba la fogeeyay, taasi waxay keentay in labaddan Oday ay Murashaxiintoodii geeyaan Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo Ucid.

Haddaba markii Doorashii dhammaatay ee raggii lidka ku ahaa Odayaashana ay ku fashilmeen in ay wax guul ah ka soo hooyaan Doorashadii, Madaxweynihii isagoo quusa wuxuu u yeedhay Oday/Ganacsade Maxamuud Qaalib Gafkaa iyo Khaladkaana waa ka garaabay, kulankanna Madaxweynaha Ayaa ka codsaday Ganacsade Maxamuud Qaalib in ay ugu wada tagaan Oday/ Ganacsade Muuse Dalab.

Hadda waxa Madaxweynaha iyo Odayaashan oo runtii ah Caqligii dhisay aynu u rajaynaynaa xidhiidh wacan iyo in wixii Dambe agtiisa aanu ka fogayn doonin illayn tala xumadii ay siiyeen Siyaasiyiintii raad baradka ahaa waataa Odayga jabisee.

— Allaa- Mahadleh.

QALINKII; MAXAMED CIISE DHANCADE

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews