Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Lagu Eedeeyay Masuuliyadda Calanka Soomaaliya ee Dalka lagu Arko
July 23, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siciid Sheekeeye oo ka mid ah Aqoonyahanka Somaliland, ayaa soo bandhigay gal-daloolooyin badan oo ka jira nidaamka maamul ee Waxbarasahada dalka oo uu tilmaamay inaanay gacanta ugu jirin Wasaaradda Waxbarasahada oo qaranka u xil-saaran.
Waxa uu Sheekeeye tusaale u soo qaatay dugsiyada waxbarashada barbaarinta Carruurta ee gaarka loo leeyahay oo uu sheegay inay macalimiin ka yihiin Dad Ajaanib ah oo aan haysan diinta Islaamka, taasina ay sababayso inay wax badan iska beddelaan dhaqanka suubban iyo barbaarinta ubadka yar-yar ee wax ka barta dugsiyadaas.