berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Toddobaadkan Fadhiisinaya Golaha Cusub Ee Wakiillada, Faanka KULMIYE Ee Aqlabiyadda Xildhibaannada Iyo Ciddiyo Ku Dagaalanka Is-bahaysiga Mucaaridka
July 26, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu toddobaadkan si rasmi ah isugu yeedho una qabto fadhigii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Golaha cusub ee wakiillada Somaliland ee la soo doortay sida uu qabo dastuurka qaranku taasi oo soo af-jari doonta tartanka adag ee muddooyinkii ugu dambeeyey ka taagnaa kala jiidashada xildhibaannada cusub ee Golaha wakiillada kadib markii xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE guluf culus ku qaadeen xildhibaannada is-bahaysiga Mucaaridka gaar ahaan xisbiga UCID.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo u warramay wargeyska Foore waxa ay noo xaqiijiyeen in Madaxwenuhu toddobaadkan, maalmaha soo socda ee dhaw uu fadhigii koowaad ee dastuuriga ahaa ee Golaha cusub ee Wakiillada Somaliland uu isugu yeedhi doono, taasina soo af-jari doonto muddo dheer oo dib  u dhac ku yimid fadhiga Golaha inkasta oo aanay wali dhammaan muddadii sharcigu dhigayay, ujeedada dib u dhacana dad badani ku macneeyeen qorshe ballaadhan oo madaxtooyadu ku soo xero galinaysay xildhibaannada ay ka rabto codka shirguddoonka.

Madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE oo doorashadii dhawayd Golaha Wakiillada lagaga guulaystay oo ay aqlabiyadda guud ee xildhibaannada helaan xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa waxa uu muddoba ku hawlanaa sidii uu u soo xeri galin lahaa tiro xildhibaanno ah oo uu ku gaadho aqlabiyadda Golaha si ay ugu suurto gasho in ay ku hantaan shir-guddoonka Golaha oo uu kaga nasto mucaaradad adag oo golaha kaga timaad.

Kadib xogaha la xidhiidha in Madaxweynuhu isugu yeedhi doono dhawaan xildhibaannada Golaha waxa sii socda dagaalkii Mucaaridka iyo Muxaafidka ee la xidhiidhay isu hub urursiga aqlabiyadda codadka doorashada shir-guddoonka iyada oo xisbiga KULMIYE sheeganayo in uu haysto aqlabiyad ku filan oo uu ku hanto kuraasta shir-guddoonka oo uu helay tirada xildhibaannadii uu u baahnaa halka ay taasi mar walba beeniyaan xisbiyada Mucaaridku.

Dhinaca kale is-bahaysiga xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo ay u soo baxeen 52 Xildhibaan ka hor intii aan xubno wakiillo ah laga kaxaysan ayaa Iyana dhinacooda wali waxa ay ku adkaysanayaan in ay yihiin aqlabiyadda Golaha oo doorashada shir-guddoonku dhinacooda mari doonto iyaga oo sheegay in xubnihii dhawaan laga kaxaysaty baddalkeeda ay xildhibaanno Muxaafid ah ka soo jabsadeen dhinaca xisbiga KULMIYE taasi oo aan waxba u dhimayn aqlabiyaddii ay haysteen ee ku taamayeen sida ay ku doodayaan.

Isku soo wada duuboo waxa aan wali kala caddayn cidda tirada aqlabiyadda ah haysata iyada oo maalin walba labada dhinac warbaahinta mariyaan dagaalkooda kala jiidashada waxaana la ogaan doonaa marka uu qabsoomo fadhigooda ugu horreeyaa ee ay ku doortaan shir-guddoonka.

 

 

 

Xigasho Wargeyska Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews