berberatoday.com
Dhakhtar Soomaaliyeed Oo Walaalkii Kali Ugu Deeqay
July 29, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, oo loo yaqaanno Dr Jalaaluddiin ayaa ku sugan Isbitaal ku yaalla dalka Turkiga, si uu kellidiisa ugu bixiyo walaalkiis ka yar oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed.

Cabdiraxmaan oo qudhiisa bartay caafimaadka, gaar ahaan cilmiga shaybaadhka, ayaa muddo la tacaalayay xanuun kaga dhacay kelyaha oo toddobaadkii saddex jeer laga dhaqo, sida uu BBC-da u sheegay Dr Jalaaluddiin.

Arrintan ayaa baraha bulshada ka dhalisay hadal heyn ay dadku su’aalo badan iska weydiinayeen go’aanka uu qaatay dhakhtarka walkaalkii u bixinaya kellida.

Dr Jalaaluddiin oo ah agaasimaha guud ee cusbitaalka Martiini, ahna maamulaha xaaladaha Covid-19 ee Soomaaliya ayaa sharraxayay sababta ku kalliftay inuu kelli ugu deeqo walaalkii.

“Waxaan baadhitaan dheer ku sameeyay in bani’aadanka uu hal kelli ku noolaan karo, anigana waxaan ogaaday in kelyaheyga ay caafimaad qabaan, sidaa awgeed ayaana ku go’aansaday inaan keli siiyo walaalkay anigoo aan dhag jalaq u siinaynin talooyinka ay dadka kale isiinayeen oo ahaa inaan si kale kelida ugu helo walaalkeey,” ayuu yidhi Dr Jalaaluddiin.

Qalliinka uu Dr Jalaaluddiin kelida ugu bixinayay walaalkiis oo lagu waday inuu dhaco maanta oo ku began 28-ka bisha July ayaa baaqday kaddib markii baadhitaan lagu sameeyay looga helay cudurka Covid-19.

Laakiin isagu wuxuu sheegay in uu mar kale isbaari doono.

“Shalay ayaa labadeennaba nala baadhay, Cabdiraxmaan waa laga waayay fayraska laakiin aniga ayaa la iga helay. Igama muuqdaan wax calaamado ah, labadii tallaal ee Covid-19-kana waan qaatay, marka waxaan rabaa in baaritaan labaad la igu sameeyo si qalliinka loo fuliyo,” ayuu yidhi.

Baaqashada qalliinka ayaa culeys ku noqon karta bukaanka kelida loo bixinayo, sida uu sheegay Dr Jalaaluddiin.

“Waxaa habboon in mar walba sida ugu dhakhsiyaha badan walaalkey uu kelida u helo maadaama uu yahay qof toddobaadkii saddex jeer mashiinno lagu xiro, dhibaato weynna dareemaya.”

Baraha Bulshada waxay dad badan ugu duceynayaan Dhaktarka walaalkii ku badbaadinaya kelidiisa.

Siyaasiyiin iyo dad kale oo bulshada dhexdeeda magac ku leh ayaa ka mid ahaa dadka dhiirrigelinta iyo ducada ku taageeray Dr Jalaaluddiin iyo walaalkii Cabdiraxmaan.

Waxaa ka mid agaasimihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdiqani Sheekh Cumar.

Lama oga xilliga uu dhici doono qalliinka, waxaana Dr Jalaaluddiin uu BBC-da u sheegay in mar walba ay ku xidhnaan doonto sida uu nadiif uga noqdo xanuunka laga helay ee Covid-19.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews