berberatoday.com
Maxakamdda Sare Ee Somaliland Oo Laashay Go’aankii Kootadda Caymiska Gadiidka Loogu Xidhay Shirkada Amaanah
September 18, 2021 - Written by admin

GO’AANKA MAXKAMADDA SARE EE JSL:-

1. Waxay ay laashay oo ay tirtirtay go’aanka Hay’adda Caymiska Qaranka, kaas oo go’aaminayay in shirkadda Caymiska Amaano (Amanah Insurance) oo kaliya ay bixiso adeegga caymiska ee gaadiidka kasoo dagaya dekedda Berbera iyo gaadiidka galaya muddo sannad ah oo ka bilaabmaya 15/09/2021-14/09/2021.

2. Waxay fartay Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay shirkadaha kale ee caymiska ka shaqeeya ee haysta liisanka ay u ogolaato in ay bixiyaan caymiska gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera iyo kuwa gelayaba.

3. Waxay ayiday oo ay dhaqangal ka dhigtay go’aamadda ka soo baxay Hay’adda Caymiska Qaranka JSL ee waajinayay in caymiska gaadiidka la qaato maadaama shilalka baabuurtu ay ka mid yihiin waxyaabaha dhimashada badan keena.

4. Waxay faraysaa dhammaan shirkadaha gaadiidka kasoo dejiya dekedda Berbera iyo kuwa ka dhoofinaya iyo kuwa xuduudaha kale ka soo dejiya ama ka dhoofiya iyo sidoo kale shirkadaha ku shaqaysta gaadiidka dalka gudihiisa iyo dhammaan gaadiidleyda oo dhan in ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada ka soo baxay Hay’adda Caymiska Qaranka.

5. Waxay go’aamisay in shirkadaha ka shaqeeya caymisku in ay u madax bannaanyihiin khidmaha adeegyada caymiska iyaga oo aan dhaafayn xadka khidmaddaha ee ugu hooseeya ama ugu sarreeya ee ay Hay’adda Caymiska Qaranku u goysay.

6. Waxa la farayaa Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay wareegtooyin ku soo saarto xadka ugu hooseeya iyo xadka ugu sareeya ee khidmahaddaha adeegyada caymiska gaadiidka kala duwan.

7. Waxa si wadajir ah loo farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib u eegaan kharashaadka laga cawday ee culeyska ku ah gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera oo kala ah:-

b. Ganaaxa basaska gurran
t. Badqabka gaadiidka (BBG)
J. Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS)
X. Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda.

8. Go’aankan waxa loon cuskaday qodobada 11,97,98 ee Dastuurka JSL iyo qodobada 10, 259 XHM iyo qodobada 7aad, faqradiisa 1aad, 3aad, 6aad 10aad iyo qodobka 16aad, faqradiisa 8aad ee Xeerka Caymiska Qaranka Xeer Lr 92/2021.

9. Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 18/09/2021.

Guddida Garsoorka
1. Aadam Xaaji Cali Axmed guddoomiye
2. Maxamed Cumar Geelle Xubin
3. Cabdiraxmaan Xasan Nuur Xubin
Oo ay kaalinaysay kaaliyaha Maxkamadda Sare Sahra Ismaaciil Cabdilaahi

Wa bilaahi Tawfiiq
Ibraahin Maxamed Cali
Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews