berberatoday.com
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Boqor Buurmadow Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Kulan Ku Yeeshay Dubai Iyo Qisadda Ku Duugan Isbedelka UCID
September 20, 2021 - Written by admin

Dubai(Berberatoday.com)-Warar Wargayska Waaberi ka helay ilo looga qaateen ah, waxa ay tibaaxeen in  Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ay weheliyaan Siyaasiyiin kale iyo Madax-dhaqameed ay kullamo ku yeesheen toddobaadkii hore Magaalada Dubai ee dalka isu-taga imaraadka Carabta.

Guddoomiyaha UCID ayaa la sheegay in uu toddobaadkii hore uu Magaalada Dubai kullamo kula yeeshay siyaasiyiin uu hoggaaminayey Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi iyo madax-dhaqameed ay kamid yihiin Boqor Buurmadow,waxaana la sheegay in dhincayaddu ay yeesheen kullamo kale duwan,kuwaas oo la xidhiidha sidii ay siyaasiyiintaas ay ugu soo biiri lahayeen Xisbiga UCID, isla markaana ay uga soo dhex muuqan lahayeen saaxadda Siyaasadda iyo tartan doorashada Madaxtooyadda ee sannadka 2022-ka.

Hase-yeeshee, Warar Wargaysku ka helay dhinacyo kala duwan, ayaa qaarkood xuseen in kulanka Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe uu salka ku hayey sidii uu Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Siyaasiyiin kale oo sahan ahi ay ugu soo biiri lahayeen Xisbiga UCID,isla markaana ay ula shuraakoobi lahaayeen Guddoomiye Faysal,waxaanay ilaha aanu xogaha ka helnay qaarkood tibaaxeen in kullamadiis is afgarad ay dhinacyaddu ka gadheen arrimaha qaar.

Dhanka kale Wararka amuurtan ku saabsan qaarkood, ayaa kulankaa ku fasiray inuu ahaa mid ka dhashay dalab uu Siyaasi Maxamuud Xaashi ka helay Guddoomiyaha Xisbiga UCID,dalabkaas oo ku aroorayey in Maxamuud Xaashi uu kamid noqdo Xisbiga UCID, maddaama oo uu si weyn oo toos ah uu ula shaqeeyey Xisbiga doorashooyinkii isku sidkanaa iyo tii shir guddoonka Golaha Wakiillada,maddaaama oo ay xiligan dalka ku soo wajahan tahay doorashada Madaxtooyadda Somaliland, waxa muuqata in Siyaasi Maxamuud Xaashi uu qudhiisu doonnayo inuu bannaysto meel uu hankiisa u mudd’ada dheer ku taamayey ee Musharraxa Madaxweynenimo uu ka muujiyo,isla markaana uu u tartamo Doorashada Madaxtooyadda ee kal dambe 2022-ka Xisbiga UCID

Geesta kalene ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Xildhibaan Maxamed Khadar  ayaa sheegay in ay u bilaabmeen kullamo dib loogu dar-dar gelinayo Xisbiga UCID,waxaanu sheegay in ay soo dhawynayaa cid kasta oo ku soo biiraysa ka xisbi ahaan, isla markaana u tartamaysa kuraas sare ee Xisbiga UCID “waxa innagu soo fool leh shir weynihii Xisbiga, waxa kale oo in la sheego ah in Xisbigu uu maanta 20 jir sadday,wax-yaabo baddan ayaan hadda gacanta ku haynaa, kullamo ayaa noo bilaabay, maantana kullan mihiim ah ayaanu leenahay oo xagga Xisbiga aanu ku leenahay,sida ugu dhakhasaha baddan ayaanu u soo cayimaynaa shir weynihii Xibsiga,“sharaf ayey noo tahay haddii dad baddan yimadaan oo lagu tartamo Xisbiga ,ciddii ka soo baxda meeshaas-na aannu u arragno ,ciddii na hoggaaminaysay waa sax,hadda Hoggaankayagu waa Faysal Cali Waraabe,haddii uu hoggaan Faysal ka hoboon uu yimaado waanu doorran.”ayuu yidhi

Haddaba, inkastoo ‘War jiraaba uu Cakaara iman doono’, sidaa awgeedna maalmaha fooda inagu soo haya si cad loo kala ogaan doono ujeedooyinkii dhabta ahaa ee kulankani daarnaa.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews