berberatoday.com
Siyaasiyiin Ay Hogaaminayaan Xirsi Iyo Maxamuud Xaashi Oo Wada Dhaqdhaqaaqyadii Siyaasadeed Ee Ugu Cuslaa In Muddo Ah, Kulamada Socda Iyo Dhismaha Mucaaradad Culus Oo Ku Wajahan Muuse Biixi.
September 20, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Is-Bahaysi Xooggan Oo U Badan Kaadirkii Xisbiga KULMIYE Iyo Masuuliyiintii Xukuumaddii Siilaanyo Ee Muddoba Saluugsanaa Siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Isugu Biyo Shubanaya Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI
Kulamo ballaadhan oo ujeeddadoodu daarran tahay xodxodasho iyo isku dubbarridid xoogag is-bahaysi culus ah ayaa muddoba waxa ay ka socdaan maalmihii ugu dambeeyey magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyada oo kulamadii ugu dambeeyey toddobaadkan ka qabsoomeen magaalada Hargeysa.
Sida ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen Ilo-xog-ogaal ahi, Kulamadan ayay goradda isku galiyeen siyaasiyiin iyo wax-garad ku abtirsan jiray xisbiga KULMIYE iyo xubno xilal wasiirro ah ka soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, muddona aan wax xilal ah hayn, kuwaasi oo qorshaynaya sidii ay rasmi ahaan ugu xuub siiban lahaayeen mucaaradad sal-ballaadhan oo ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo isaga laftiisu qorshaynaya sidii uu jidka ugu xaadhan lahaa muddo xileedkiisa labaad ee doorashada Madaxtooyada ee la filayo dabayaaqada sannadka innagu soo aaddan ee 2022.
Siyaasiyiin ay hormuud u yihiin Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirkii hore ee Madaxtooyada xukuumaddii Axmed Siilaanyo ayaa waxa ay maalmihii ugu dambeeyey ku jiraan abaabul xooggan oo ay ku wadaan jihooyin kala duwan oo ay in muddo ahba wada hadallo u socdeen kuwaasi oo qorshaynaya sidii ay ugu dambayn xoogaggaasi isugu soo biyo shuban lahaayeen xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo la filayo in uu bisha dambe dabayaaqadiisa qabsado shirweynihiisa guud.
Marka laga tago kulamo gooni gooni ah oo dhinacyadan u socday waxa sidoo kale toddobaadkan Hargeysa ka qabsoomay kulan ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen badiba xubno xilal wasiirro ah ka soo qabtay xukuumaddii Axmed Siilaanyo, siyaasiyiin ka tirsanaan jiray xisbiga KULMIYE oo muddoba saaxadda siyaasadda ka maqnaa, iyo xubno siyaalo kala duwan uga hadhay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay xilal ka hayn jireen, kulamadaasi oo dhammaantood daarnaa sidii ay hannaan midaysan cududooda ugu biirin lahaayeen xisbiga WADDANI.
Kulamadan waxa garab socday oo kale kuwo beelaysan oo ay kulamo ku yeesheen siyaasiyiinta, odayaasha iyo wax-garadka beelaha Berbera, Bariga Burco iyo Degmada Dacarta kuwaasi oo ajandahoodu ahaa sidii ay hannaan midaysan ugu wajihi lahaayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka sidoo kalena ay u midayn lahaayeen dareenkooda mucaaradeed ee ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xisbigiisa KULMIYE doorashada Madaxtooyada ee soo socota ay dhinac uga soo wada jeedsan lahaayeen.
Inkasta oo aanu wali Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ka mid ahayn xisbiga WADDANI haddana dadaalladiisii ugu dambeeyey waxa ay u janjeedhaan in uu ugu dambayn xisbigaasi kula midoobi doono cudud xooggan oo uu muddo ku dhaw sannad soo dhisayay waxaanay dadaalladani ku soo beegmayaan wakhti taageerayaasha xisbiga KULMIYE saluug weyn ka qabaan sida aanay xisbigan ugu soo hadhin dad miisaan weyn lihi maalinba maalinta ka dambaysana ay uga sii dareerayaan, qaarkoodna ka niyad jabsan yihiin sida ay xaaladdiisu tahay, arrintaasi oo ah imtixaan culus oo horyaalla hogaanka KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo isku diyaarinaya in ay galaan doorashada Madxtooyada ee innagu soo aaddan.
Xigasho: Wargeyska Foore.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews