berberatoday.com
Xildhibaan U Soo Jeediyey Madaxweyne Biixi Inuu Xisbiga KULMIYE Ku Wareejiyo Musharrax Dadku Ogol Yihiin
September 26, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee ka soo baxay Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa Madaxweynaha u soo jeediyey inuu Xisbiga ku wareejiyo Musharrax mar kale iib-geyn kara.

Xildhibaan Mustafe oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE, balse doorashadii Shir-guddoonka Golaha Wakiillada la saftay Isbahaysiga WADDANI iyo UCID, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland aanu wax badan ka fulin ballan-qaadyadii uu xilligii ololaha doorashada u sameeyay Dadweynaha ku nool Gobollada bariga Somaliland, sidaasi darteedna ay arrintaasi caqabad ku noqonayso Madaxweynaha, haddii uu mar kale Musharrax Madaxweyne yahay.

Xildhibaanka oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn ka hadlay sida uu u arko Safar la sheegay in Madaxweynuhu ku tagayo Magaalada Burco, waxaanu yidhi  “Waxa la igu yidhi, Madaxweynuhu wuxuu ka qayb-galayaa Qalin-jebinta Ardayda Jaamacadda Burco, waana Madaxweynihii Qaranka oo wuu bixi karaa oo Dalka isagaa Madaxweyne ka ah, laakiin waxa keliya ee Gobollada bariga ku gudbani waxa weeyaan Gobollada bariga oo duruuf badani ku gedaaman yihiin, hadday tahay xagga Horumarka, hadday tahay Xagga Amniga, hadday tahay Miisaaniyadda Qaranka, mashaariicda Horumarinta ee Hay’aduhu innaga caawiyaan ayay Gobollada barigu aad uga aradan yihiin, waxaanan aaminsanahay in ballan-qaadyadii Madaxweynaha ee xilligii ololaha in aanay boqolkiiba 70 fulin, muddo-xileedkiisana waa sannadkii u dambeeyay, ballan-qaadyadii uu sameeyay ee aan fulin waxa ka mid ah Garoonka diyaaradaha Burco, waxa mid ahaa Biyihii Macaanaa ee loo soo saarayey deegaanka Saraar, Derajo beddelkii (Degmada Caynaba), aniguna waxaan aaminsanahay inay Dadka ceeb ku tahay inay noqdaan Dad mar walba laga iibin karo waxaan jirin, sanadka u dambeeyana waxba laguma qaban karo.”

Xildhibaanku wuxuu Canaan u jeediyey Masuuliyiinta Xukuumadda ee soo jeeda Gobollada bariga, kuwaasi oo uu sheegay inay ku mashquulsan yihiin sidii ay soo dhaweyn ugu diyaarin lahaayeen Madaxweynaha iyo Weftigiisa “Soo dhaweyntu jacayl bay ku timaaddaa ee kuma timaaddo shirar ay galaan Madaxda Xukuumadda ee Gobolladaasi (Bariga), Madaxdaa waxaan leeyahay Dadkaad matalaysaan caqligooda ha caayina.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu Madaxweynaha u soo jeediyey inuu Xisbiga KULMIYE ku wareejiyo Musharrax Dadku ogol yihiin “Madaxweyne, Musharrax Dadku ogol yahay ku wareeji Xisbiga, ku wareeji Musharrax aanu Dadka ka iibino oo aanu nidhaahno wixii uu Madaxweynuhu xumeeyay iyo ballan-qaadyadii uu ka baxay (ayuu fulinayaaye)..”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews