berberatoday.com
Ciidanka Booliska Berbera Oo Xabsiga Utaxaabay Gudidii Qabanqaabada Shirka Beesha Gobolka Saaxil
October 20, 2021 - Written by admin

Berbera(Berberatoday.com)-habeenkii xalay abaara 1dii habeenimo ayaa laga soo xidhay degmada Laasadacawo Gudidii qabanqaabada shirweynaha Beesha Ciise Muuse oo deegaankaas isla xalay utagay ugogol xaadhka Madasha shirkaas lagu qabanayo oo loo asteeyay Magaaladaas Lasadacawo, waxaana halkaas tagay ciidan tiro badan oo wata gaadiidka gaashaaman.

Amarka xadhigooda ayaa lala xidhiidhiyay inuu kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil sida ay ii sheegeen xubno kamida gudidaas oo xalay ila soo xidhiidhay markii lagu soo waday Saldhiga dhexe ee Berbera oo ilaa hada ay ku xidhan yihiin.

Geesta kale gudidan qabanqaabada shirka Beesha Gobolka Saaxil ayaa waraaq ogolaasho qabashada shirkaasa ka haysta Wasaarada arimaha Gudaha Somaliland Waraqadaasi uu ku saxeexanyahay Wasiirka Wasaaradaasi Maxamed Kaahin Axmed.

Ilaa Hadda war saxa lagama hayo sababta xadhiga Gudidan waxase kaliya la hubaa in amarka Xadhigoodu kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Saxil Axmed Maxamed Xaashi sida uu ii sheegay Cabdikhaakaq Awalbari oo kamida Gudidaasi,

Xubnahan Gudiga ayaa ubadan qurba joog kasocda Ururka KULAN GOLOBAL oo ah urur horumarineed ay ku bahoobeen qurbajoogta kasoo jeeda Beeshan Gobolka Saaxil ee shirka qabsanaysa waana ururkii hore uqabtay una maalgaliyay shirkii 2011 lagu doortay gudidii horumarinta Gobolka Saaxil ee Dan Iyo Duco.

Xubnaha gudiga qabanqaabada shirka ee La Xidhay ayaa kala ah

1. Aniis Abdullah Essa
2. Ahmed Hassan Ali Yare (Like)
3. Suldaan Bada Cas
4. Abdi Huruuf
5. Cabdikhaalaq Cabdilaahi Aw Maxamed
6. Abdi Good Abees
7. Mohamoud Guush
8. Abdisemed Ahmed Boos

9 Macalin Filibiin

10 Cabdiraxmaan Charles

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews