berberatoday.com
Soomalida Ingiriiska Oo La Kulmay Nacayb Iyo Xadgudubyo Kadib Xildhibaankii Wiilka Somaliga Ahi Ku Dilay London
October 21, 2021 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Soomaalida ku nool Ingiriiska ayaa helay hanjabaadyo dil ah ka- dib markii xildhibaan dhawaan lagu dilay London loo xidhay nin Soomaali ah oo looga shakisan yahay inuu dilkaas ka dambeeyo.

Xarumaha jaaliyadaha Soomaalida Ingiriiska ayaa lasoo sheegayaa in lagu qasbay in la xidho, waxayna la kulmeen xadgudubyo nacayb ah, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska The Times.

Kaahiye Caalim, oo ah agaasimaha Golaha Ururada Soomaalida, ayaa u sheegay wargeyska The Times in hanjabaada ka dhanka ah Soomaalida ay bilaabmeen isla markii ninka Soomaaliga ah loo xidhay falka dilka ee xildhibaanka.

“Waxaan maqalnay warar sheegaya in dadka lagu aflagaadeeyay tareenka London iyo waddooyinka, laguna yidhi ‘ku noqda gurigiinna, argagixiso ayaad tihiin,’” ayuu yidhi Caalim.

Golaha Muslimiinta Britain (MCB) ayaa ku dhawaaqay dadaallo lagu caawinayo Soomaalida Ingiriiska iyo guud ahaan bulshada Muslimka ah sidii ay ula tacaali lahaayeen nacaybka iyo xadgudubka ka dhashay dilkii xildhibaan Sir David.

Zara Mohammed, xog-hayaha guud ee golaha muslimiinta Britain, ayaa sheegtay in masaajidyada ku yaal Southend, oo uu Sir David ka ahaa xildhibaan, ay dilkiisa aad uga xumaadeen.

Booliiska la dagaalanka xagjirnimada ayaa weli ku howlan baadhitaanka kiiskaan, welina macluumaad dhameystiran kama ayna soo saarin.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews