berberatoday.com
“Cid Walba Oo Tidhi Doorashadu Dib Bay U Dhacaysaa Waxba May Hubsan Ee Way Degdegtay” Wasiir Gashaandhiga Somaliland
November 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa (Mandheeranews)-Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa deg deg ku tilmaamay dadka ay ka soo yeedhay in abaarta taagani dib u dhac ku keeni karto doorashooyinka, waxaanu sheegay in arrimaha doorashooyinka ay gacanta ku hayaan guddiga doorashooyinka qaranka.

cadami

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay socdaalka Madaxweynaha, Weftiga Xisbiga Waddani ee ka qayb qaadashada dadka ay abaaruhu hayaan, halka ay ku dambeeyeen Ciidamadii OPU-da ee loo tababarayey Shirkadaha Shidaalka, madaama muddo xileedka Xukuumaddani dhamaad ku dhaw yahay, waxaana wareysigu u dhacay sidan
Wefti ka tirsan Xisbiga Waddani oo uu hogaaminayo Cabdiraxmaan Cirro, hore ayey ugu baxeen abaaraha, si ay u soo ogadaan xaalada abaareed ee dadka iyo dalka, haddana Wefti uu Madaxweynuhu hogaaminayo oo aad adiguna ka mid tahay ayaa baxay markaas sidee ayaad u aragtaa labadan socdaal?
Mucaarad iyo Muxaafidba in dadkeena abaaruhu hayaan in loo gurmado weeye, Weftiga Xisbiga Waddani-na waan ku amaanaya sida ay uga qayb qaadayaan taakulaynta iyo xogagaalnimada dadkooda abaaruhu hayaan, Madaxweynuhuna waan ku bogaadinayaa waana uga mahadnaqayaa inuu u baxo oo u tago Shacabkiisa ay Abaaruhu hayaan, aniguna waxaan ka mid ahay Weftiga Madaxweynaha, waxaanu sii marnay Magaalada Berbera, waxaanu Madaxweynuhu la kulmay Guddiyada kala duwan ee Abaaraha ee Gobolka Saaxil iyo Shacabkiisaba, waxaana uu sidoo kale haddii ALLE uu idmo la kulmi doonaa Guddiyada iyo Shacabka kala duwan ee Gobolada si looga baaran dego qaabka gurmad deg deg ah dadka loo gaadhsiin lahaa, socdaalkan Madaxweynuhuna waa dhiirigelin iyo inuu u kuurgalo xaalada dhabta ah ee Shacabkiisu ku sugan yihiin.
Cabdicasiis Samaale oo muddo dheer ku taamayey inuu noqdo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, inuu ka qayb galo Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye wuu qaadacay, waxaanu ku tilmaamay cadaalad daro iyo in Muuse Biixi loo xidhay, markaas muddo kadib inuu XIsbiga Kulmiye ku soo laabto sidee ayaad u aragtaa?
Haddii uu Cabdicasiis Samaale uu Xisbigii Kulmiye ku soo noqday waan ku hambalyeynayaa, waan ku bogaadinayaa, soo laabashadiisana waan uga mahadnaqayaa, haddii ay is qabteen Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale, iskuna qabteen Musharaxnimada xilka Madaxweyne ee Kulmiye, oo xurfo iyo khilaaf dhexmaray maanta way heshiiyaan, way is calool xaadheen, wixii ay kala tirsanaayeena way iska saamaxeen, colaadoodiina nabad iyo wanaag ayey ku dambaysay.
Masuuliyiinta ka tirsan Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye waxay sheegeen inay Doorashadu dib u dhac ku imanayo, madaama lagu jiro wakhti abaareed, Xisbiyada Mucaaradkuna raali kama aha, markaas adigu fikirkaas dib u dhaca Doorashada ma ku taageersan tahay?
Waa dhab in xilli adag oo abaareed lagu jiro, haddana raxmada ALLE kamaynu quusan, hawsha Doorashooyinkana Komishanbaa u xilsaaran oo gacanta ku haya, go’aan rasmiya oo aynu arkayno oo sheegaya inay Doorashadu dib u dhacayso maanu arag, oo maanu maqlin, waxaan se qabaa in cid walba oo tidhi Doorashadu dib bay u dhacaysa in aanay waxba hubsan ee ay ku deg degtay,
Muddo xileedkii Xukuumaddani dhammaad buu ku dhaw yahay, ee halkay ku dambeeyeen Ciidamada OPU-da, ee loo tababarayey Shirkadaha Shidaalka?
Ciidamada OPU-du, waxay ka mid noqon doonaan Ciidamada dalka, hawshiidiina waa la wadaa, waa la darsayaa, waana laga baaran degaya, maxa yeelay waa Ciidamo hawshoodu balaadhan tahay, haddii ay tahay kharashkooda, misaaniyadooda iyo tababarkoodaba, markaas haddii ALLE yidhaahdo Ciidamadaasi wakhtiga ku haboon.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews