Raiisal Wasaaraha Dawlada Xamar Oo Ka Dayriyay Xaalada Abaared Ee Ka Jirta Somaliya
November 24, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay abaaraha ka jira inta badan gobollada dalka, taa oo saameysay dadka iyo duunyada.
Waxa uu Ra’iisul wasaaraha sheegay haddii aan deg-deg wax loogu gurman gobollada ay abaarta saameysay in ay dhici karto iney kasii darto xaaladda iminka meesha ay taagan tahay.