berberatoday.com
Baylood 72 jir Ah Oo Britain Udhashay Oo Lagu La’ Yahay Inta Udhaxaysa Suudaan Iyo Itoobiya
November 24, 2016 - Written by Berbera Today

Addiss Ababa(Berberatoday.com)-Maurice Kirk, ayaa la waayay isaga oo ku jira duulimaad seddex saac qaadanaya oo uu kaga soo baxay gobolka koonfureed ee dalka Suudan kuna sii jeeday galbeedka Itoobiya._92623885_849e033a-7910-48b1-85bc-c9e8523fa921

Qabanqaabiyayaasha tartanka diyaaradaha qadiimka ah lagu soo bandhigo ayaa sheegay in ninka 72-jirka ah loo sheegay in uusan ka qeybgalin tartanka maadaama uusan shaqeyneyn jiheeyaha diyaaradiisa ee loogu talagalay in uu ku xirnaado Satelaytka oo nooceedu yahay Piper Cub oo la sameeyay 1943.

Horay waxa uu u sheegay in laba jeer matoorku ka cilladoobay, balse uu ku adkaystay inuu duulimaadka sii wato.

Warsaxaafadeed ay soo saareen agaasimeyaasha tartanka diyaaradda qadiimiga ah ayaa lagu sheegay, maadaama oon la hayn qalab lagu heli karo diyaarradda in ay adagtahay in la ogaado halka duuliyahaashi ku sugan yahay.

Laakiin maadaama uu yahay duuliye khibrad leh waxa ay aaminsanyihiin in uu si taxadar ah uu diyaaradda u dajiyay inta aysan qoraxdu dhicin, iyaga oo intaa ku daray in baaritaan iyo howlagal lagu badbaadinayo si dhakhso ah loo bilaabayo.

Maurice Kirk ayaa ah nin maad badan oo ay saaxiib ahaayeen jilaagii dhintay ee Oliver Reed oo dhawr jeer jabiyey sharciga duullimaadyada Ingriiska isagoo ku duulayey diyaarad qadiim ah.

 

 

Source BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews