berberatoday.com
Qiimaha Sarrifka Dollarka Oo Meel Sare Gaadhay Iyo Sababaha Loo Tirinayo Kor U Kaca
December 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qiimaha sarifka dollarka, ayaa gaadhay halkii u saraysay, waxaanu suuqyada caasimadda Hargeysa halkii dollar ka marayaa (8,000SL/SH), waana qiimihii u sareeyay ee la arko dollarka oo gaadhay.

Si rasmi ah looma garanayo sababta wakhtigan kicisay sarifka dollarka, waxase uu kor u kaca sarrifku saamayn ku yeeshay quutal daruuriga maceeshada oo iyaguna kor uga kacay suuqyada Hargeysa.

Ma jiro qorshe cad, oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u dejisay xakamaynta sarifka dollarka, marka laga reebo hadalo hanjabaad oo ay hawada u mariyaan sariflayaasha caasimadda oo ay aaminsanyihiin inay sabab u yihiin kor u kaca sarifka.

Dadka dhaqaalaha aqoonta u leh ayaa aaminsan in kor u kaca sarifka ay keentay xukuumadda oo suuqyada ku soo daysay lacag faro badan oo Somaliland ah, taas oo meesha ka saartay isu dheelitirkii sarifka, maadaama oo lacagta suuqa la soo geliyay ku eekayd Somaliland keliya.

Si kastaba ha ahaate, qiimahan sarifka ee kor u kacay ayaa wuxuu saamayn ku yeelanayaa bulshada Somaliland ee danyarta u badan, mana muuqato wax qorshe ah oo ay xukuumadu ku waajahayso.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews