berberatoday.com
Wasiir Cadami Oo Ka Hadlay Baadhitaankii Amni Ee Wasiirka Biyaha Iyo Khilaafka Ka Dhexeeya Wasiir Baashe Iyo Madaxtooyada
December 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Gaashan-dhiga Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa ka hadlay falkii doraad lagaga hor istaagay Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac, inuu galo Shirka todobaadlaha ah ee Wasiiradda, ka dib markii ay ciidanka madaxtooyadu wasiirka u sheegeen inay baadhayaan.

 Wasiir Cadami, wuxuu ka mid ahaa laba wasiir oo kala dhex galay wasiirka iyo ciidanka, iyadoo uu Wasiir Baashe Cali Jaamac si cad u sheegay in maadaama uu huwanyahay xasaanad aan la baadhi karin, isagoo sidaas kaga noqday shirkii golaha wasiirada oo aanu ka qayb gelin.

Wasiir Cadami, wuxuu sheegay in arrinkaas la galay islamarkaana ay is arkayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Baashe Cali Jaamac, isagoo wasiir Cadami sheegay inuu jiro khilaaf u dhexeeya wasiirka biyaha iyo wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiir Cadami, wuxuu arrintan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya wixii dhex maray wasiirka biyaha iyo ciidanka madaxtooyada uu yidhi “Haddii laga shakiyo ama aad wax sidato, Askarta Madaxtooyada ee amaanka qaabilsani way ku odhan karaan hubaad sidataa ee aanu xaqiijino, labadaba way iman kartaa oo mar haddii uu Wasiirku diido buuq iyo rabshad looma baahnee wado lagu kala baxo iyo Madax baa joogta oo madaxtooyadii joogta oo la isula tagayaa, markaas marka ka faa’iidaysi aan loola jeedin ee siduu yahay loo sheegayo, ninkaasi [wasiirka biyaha] wuxuu isagu ku adkaystay maadaama oo uu xasaanadna leeyahay oo uu wasiir yahay in aanu baadhitaan ogolayn, dee meesha madaxdii ayaa joogta oo madaxweynihiibaa ugu sareeyee haddii aan sabab la ii sheegin ma yeelayo.”

Wasiir Caddami ayaa mar uu ka hadlaayey halka uu ku dambeeyey khilaafka Wasiirka iyo madaxtooyada, ayaa yidhi “Arintaas waa la iska arkay, anaga ayaa iska aragnay,waa la is raacay oo wuu ogolaaday gurigiisi buu ku noqday, haddii uu baadhitaan jiro iyo haddii aanu jirinba sheekadii halkaas ayey ku soo af jarantay, dabadeedna waa la balamay, haddana waa caadi oo waa wasiir iyo Madaxweynihiisii oo way balansan yihiin, wixii uu isagu cabatin qabo iyo wixii ku kalifay inuu diidaba halkaas ayuu la sugayaa,oo wuu ka sheegayaa, anaga laftayaduna waanu la soconaa, waana ka hawl-galnay, waxayna ku dhammaan doontaa insha allaah sidii saxda ahayd”.

Wasiir Caddami mar aanu wax ka weydiinay sababta keentay dhaliisha uu sheegay Wasiirka Biyuhu iyo cida ay Xukuumadda iska hayaan ayaa ku jawaabay “Dhaliisha la isku hayo waan ku sheegayaa waana is afgaran waa’ isaga [wasiir baashe] iyo Wasiirka Madaxtooyada,ayey cabashadiisu ku eeg tahay, meeshiina Madaxweyne ayey leedahay, marka hadda marxaladaas waa laga gudbay, waxa loo gudbayaa garnaqsigii iyo nin walba wuxuu qabo madaxweynaha ayuu u sheeganayaa”.

 

 

 

Source:- Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews