berberatoday.com
Maareye Kuxigeenkii Tvga Qaranka Somaliland Ee Xamar Ugoostay Oo Been Abuur Kutilmaamay Hadalo Kasoo Yeedhay Wasiir Cadaaniga Warfaafinta
December 4, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Mustafe Maxamuud Qodox Mareeyihii Tvga qaranka Somaliland ee maalmahanba ku sugnaa dalka somaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegay inuu ka fasax qaatay markii safarka u baxayay wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani.mustafe qodax

Qodox ayaa sheegay inaanu ilaa hadda afkiisa ka soo bixin inuu Ka mid yahay xildhibaanada somliya,waxaana uu ku dooday inuu aamisan yahay qaranimada Somaliland ogolayn inuu ku gafo,waxaana uu iska difaacay inuu yahay khiyaamooleh qaran.

“Marnaba mayihi Khiyaamooleh Qaran,waxaasi waa iska dacaayad riqiis ah kumaan gafin qaranka Somaliland kuma gafi doono,lakiin xamar ayaa latagay haday danbi tahay oo shuruucda Somaliland kaga taalo oon ilaa hadda la garanayn sabab aan u tagay aniguna aanan wali ka hadal waxa ay

warbaahintu isla dhexmarayso markaad xagaas iskaga leexiso war cad oo ilaa hadda iga soo baxay majiro.sidaas ayuu yidhi Mustafe Qodox Oo Bulsho Tv La Hadlay

Mareeyihii hore ee Tvga qaranka somaliland Mustafe Maxamuud Qodox oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu raaciyay.”waana dhul soomaaliyeedoo kuwii shalayto wasiirada Somaliland ka ahaa halkan ayay joogaan,aniga oo xil hayayna halkan ayaan joogaa kuwa halkan xilka hayayna Somaliland ayay joogan maaha xaqiiqan qofka yidhaaha qofka xamar tagay waa danbiile qaran,waxaan danbiile qaran u aqaan qofka inta maxkamada lasoo taago qodobo sax ah oo uu ku khiyaamiyay qaranimada Somaliland lagu soo oogo ayuunbaa u aqaan khiyaamo qaran.

Mustafe qodax ayaa wax laga xumaado ku sheegay hadalo ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Somaliland oo sheegaya inuu ka fasax qaatay waxaana uu hadalkaasi mustafe qodax ku macneeyay mid aanay waxba ka jirin.

“anigu waxaan maqlay inuu yidhi wuu iga Fasax qaatay,markaas anigu kama Fasax qaadan karo waayo shaqaale madaxwayne ayaan ahay oo digreeto madaxwayne ayaan ku magacaabnaa,markaas haday jiraan kalmadaha la sheegayo inuu yidhi ifasax waxa ay muujinaysaa badaw-nimo,markaasna anigu nin wasiir fasixi karo mayihiye shaqaale wasaaradeena maan ahayn waxaan ahaa masuul madaxwayne magacaabay,waxaanan joogay boos siyaasi ah.

Mustafe ayaa gaba-gabadii tilmaamay inaanu fasax waydiisan Karin Wasiirka warfaafinta madaxwaynaha Somaliland Mooyaane,waxaana uu ku dooday inuu joogay boos siyaasi ah ee aanu shaqaale u ahayn wasiir cadaani,halka uu cadaanina ku doodayo inuu fasaxay isagu markii uu sheegay mustafe qodox inuu tagayo dalka jabuuti hawlo isaga u gaar ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews