Ciidamada RRU-da Oo Hawl Galo Ay Ka Fuliyeen Magaalooyinka Berbera Iyo Hargeysa Dad Ku Qab-Qabtay Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay
December 28, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha gudaha somaliland mudane Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” ayaa ka hadlay dad lagu tuhunsan yahay falal amni daro oo ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-du hawl galo ay sameeyeen ka kala qabteen magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Ciidamada ayaa subaxii hore ee shalay hawl gal culus ka fuliyay badhtamaha magaalada Hargeysa,waxaanay qabteen rag ay muddo daba socdeen.
Wasiirka arrimaha gudaha somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” oo Geeska Africa wax ka waydiiyay hawlgalka ciidamada RRU-da waxa uu yidhi sida tan