berberatoday.com
Mo Farah Oo Ka Hadlay Billadda Ay Boqoradda Ingiriisku Ku Maamuustay Oo Magiciisa 3 Xaraf Ku Kordhisay
January 6, 2017 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Orodyahanka Soomaaliyeed ee Maxamed Faarax (Mo) oo u orda Waddanka Britain, ayaa la kulmay Boqoradda Britian Queen Elizabeth oo guddoonsiisay Billad qaali ah oo ay ku maamuustay, isla markaana xarafyo Mudnaan muujinaya ku daraysa ama ku kordhinaysa Magaiciisii hore ee ahaa Mo Farah oo hadda laga bilaabo noqon doona Sir Mo Farah oo ka dhigan Mudane Maxamed Faarax.

MO FARAH and Queen Elizabeth 2017

MO FARAH and Queen Elizabeth 2017

Magacaas oo keliya loogu yeedhi karo Dadka ay Bulshadu doorato iyo Dadka magaca sare dal u soo hooyo ee sidan oo kale ay Boqoradda dalka Ingiriisku ku Maamuustay Orodyahankan Maxamed Faarax oo ay dad koobani kasbadaan ama lagu maamuuso.

Haddaba, Orodyahan Mo Farah oo Maanta u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa ka warramay dareenkiisa kulanka uu la yeeshay Boqoradda Britain Queen Elizabeth iyo Maamuuska heerkan gaadhsiisan ee ay ku sharaftay iyo waxay isaga u kordhinayso.

Waxaanu sheegay inuu Billaddan u hibeeyey guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maaddaama oo ay mooraal-dhiskiisa qayb wayn ka tahay taageerada ay u hayaan, waxaanu si gaar ah Salaan ugu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, isagoo sheegay inuu dalkaasi yahay dalkii uu ku barbaaray ka hor intii aanu Britain tegin, halka uu Soomaaliya kaga dhashay, isagoo yarna ka qaxay.

Maxamed Faarax (Mo Farah) Waraysigaas ay Weriye Falastiin Axmed Iimaan la yeelatay oo dhammaystiran, isla markaana Su’aalo iyo Jawaabo ah; waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee Ka Bogasho wacan oo wanaagsan:-

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews