berberatoday.com
“Wakhtigii Ololaha Lama Gaadhin, In Asxaabtu Farta Isku Fiiqaan Wax Reeban Weeye” Wasiir Caddami
January 7, 2017 - Written by Berbera Today

cadaami

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, oo Wargeyska Geeska Afrika u wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiska Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi ee ay Salaadiinta Somaliland ku soo afjareen hadaladii dhiilada lahaa ee ay isweydaarsadeen iyo sidoo kale abaarta dalka ka jirta, waxaanu yidhi “Wakhtigii ololaha lama gaadhin, in farta la isku fiiqo, oo aad iskugu fiirsadaan Axsaabtu wax reeban weeye, talaabadan uu Komishanku iskugu yeedhay Xisbiyadana waa talaabo uu dhinaca wanaagsan u qaaday, waanu ku amaanan yahay yeedhmadaas, waxaana kulankan Sabtida (Maanta), rajaynayaa in natiijo fiican iyo is afgarad lagu gaadho”.

Wasiir Cadami mar uu ka hadlaayey heshiiska Salaadiinta ee Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi wuxuu yidhi “Salaadiinta is xilqaamay ee Intii la isku daawan  lahaa waxa ka dhex socday Axsaabta, ee ka hor tagay wax walba oo dadka kala fogaynaya ajar iyo xasaanad ayey shaqeeysteen, wanaaga umaddana wey ka taliyeen”.

Wasiir Caddami mar uu ka hadlaayey Abaaraha ayaa yidhi “Imtixaan in inagaga filan oo ah imtixaankii Rabaaniga ahaa weynu aragnay, abaartaas daba dheeratay ee ina haysana ILLAAHAY ha inaga saaro, dadweynihii iyo shacabkeenii la iskugu faanayey abaaro ayaa haya, oo dadkeenu waa reer guuraa, markaas imtixaankaas maanta yeynaan umadda imtixaan kale ugu darin, dhibaatadaas haysata yeynaan dhibaato kale oo dhexdeena ah oo hagar daamo ah ugu darin, aynu u noqono ILLAAHAY aynu toobad keeno, oo umadda isku duubnidooda aynu ka shaqeeyno”.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews