berberatoday.com
Taliska Booliska Gobalka Gabiley Oo Xabsiga U Taxaabay Gudoomiyaha Kalabaydh Iyo Odayaasha Deegaanka + Sababta Keentey Xadhigooda.
January 7, 2017 - Written by Berbera Today

Gabilay(Berberatoday.com)-Ciidamada Amaanka Gobolka Gabiley ayaa xabsiga u taxaabay

Gudoomiyihii Magaalada Kalabaydh iyo sido kale Odayaasha iyo Cuqaasha Magaaladaasi

Xadhiga Odayaasha iyo Gudoomiyaha Deegaanka Kalabaydh ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay shacabka magaaladaasi ka biyo diideen ceelal biyood oo ku yaala dhinaca waqooyi ee Kalabaydh gaar ahaan meesha loo yaqaan Botor oo laga bilaabey biyo balaadhin la gaynaayo Magaalada Tog,Wajaale loogana qaadayo ceelasha Kalabaydh.

 

Waxaana iska hor imaadka ay dadka deegaankaasi kala hor yimaadeen biyo galinta Magaalada Kalabaydh looga bilaabayay ku dhaawacmay isu duwaha Wasaaradda Biyaha ee Gobolka Gabiley.

 

 

Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Kalabaydh ayaa ku doodaya in biyo Galinta Wajaale oo Kalabaydh u jirta 19Km haatan loo bilaabay ay Dadka deegaanka Biyaha laga Qaadayo ee Kalabaydh uga xaq leeyihiin maadaama ay haatan ka biyo laayihiin Ceelasha Biyaha ah ee agtooda isla markaana biyo galinta iyaga lagu horeysiiyo.

Ka dib diidmada ay dadkaasi kala hor yimaadeen biyo galinta loo samaynaayay Magaalada Wajaale oo Biyaha Looga qaadayey Deegaankooda kuna andcoonayaan in ka hor inta aan Wajaale la gayn ay Kalabaydh ahaan Xaq uga leeyihiin ayaa keentay in Taliska Booliska Gobolka gabiley uu amar ku bixiyo in xabsiga la dhigo qaar ka mid ah Odayaasha Magaaladaasi iyo sidoo kale Gudoomiyihii Degmada kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyaan kacdoonka ay bulshada deegaanku Samaysay

Waxaana saaka laga soo qab qabtay Gudoomiyaha degmada iyo odayaasha Gudaha Kalabaydh iyada oo lagu soo xidhay Magaalada Arabsiyo lana soo dhaafiyey Magaalada Gabiley taasi oo dad badani is waydiinayaan Sababta ka dambaysa in xadhigooda lala soo waydaarto Kalabaydh iyo Gabiley Tirada Xidhan ee Haatan Odayaasha ah ayaa tiradoodu tahay 6 Ka mid ah odayaasha iyo Madax dhaqameedka Magaalada Kalabaydh oo uu ku jiro gudoomiyihii Magaaladaasi oo lagu magacaabo Khadar Aw Xuseen Buux.

Taliska booliska Gobolka Gabiley oo aanu isku daynay in aanu arintani wax ka waydiino ayaan noo suuro galin.

 

 

 

Xigasho Ilaysnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews