berberatoday.com
Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed Oo Diiday Go’aankii Baarlamaanku Xilka Kaga Xayuubiyeen
January 12, 2017 - Written by Berbera Today

Cadaado(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay sharci darro tahay fadhiga xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Galmudug ay maanta ku sheegeen inay isaga xilka uga qaadaan.Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed

Xubnaha maanta fadhiistay oo gaadhaya illaa 54 mudane, ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Galmudug, hase ahaatee Guddoomiyihii ayaa isagu ku maqan magaalada Muqdisho, isaga oo hore u sheegay inuu wakhtiga fasaxa u kordhiyey xildhibaannada, xaalado jira awgood.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo waraysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in Baarlamaanka Galmudug uu yahay fasax muddo 45 cisho, gudoomiyaha baarlamaankana uu joogo magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada maanta shiray ay ku kulmeen meel aan ahayn xarunta baarlamanka, taasina ay sharci darro ka dhigeyso kulankooda.

Cabdikariim Guuleed ayaa dhinaca kale sheegay in tallaabada xildhibaanada ay maanta qaadeen ay tahay mid qas looga abuurayo Galmudug, oo ay ka dambeeyaan dhinacyo kale oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan jiritaanka Galmudug.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews