berberatoday.com
Axmed Xuseen Oo Ah Soomaali Haysta Dhalashada Dalka Kanada Ayaa Loo Magacaabay wasiirka Socdaaalka Ee Dalka Kanada
January 12, 2017 - Written by Berbera Today

Toronto(Berberatoday.com)-Ra’iisalwasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa dalacsiiyay qaar ka mid ah wasiiradii shaqada ka soo dhalaalay isaga oo wajiyo cusubna ku soo daray golaha wasiirrada, iyadoo Ottawa ay isu diyaarinayso madaxwaynenimada Trump. Wasiir Axmed Xuseen (Canada)
Axmed Xuseen oo ah Soomaali haysta dhalashada Kanada ayaa laga dhigay wasiirka Socdaaalka.
Horay ayuuna taariikh u xariiqay markii uu noqday Soomaaligii u horeeyay ee xildhibaan ka noqda isla dalkaasi Kanada.
Arrintanina waxay imaanaysaa maalmo ka dib markii Ilhaan Cumar loo dhaariyay in ay noqoto gabadhii u horaysay ee Soomaali ah ee xildhibaanad ka noqota dalka Maraykanka.
Isbadallada waawayn ee lagu sameeyay golaha wasiirrada waxaa ka mid ah Chrystia Freeland oo laga dhigay wasiirka arrimaha dibadda iyada laga soo wareejiyay wasiirka ganacsiga caalamiga ah.
Waa isku shaandhayntii ugu horaysay ee dhacda tan iyo markii uu xilka la wareegay ra’iisalwasaare Trudeau bishii 11 ee sanadkii 2015ka.
Isku shaandhayntanina waxay imaanaysaa iyadoo Ottawa ay isu diyaarinayso maamulka Maraykanka ee sheegay in uu wax walba ka horumarin doono danaha Maraykanka.
Madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in la dhaariyo 20ka bishan koobaad.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews