berberatoday.com
Dawlad Maxkamad La Tiigsatay Waalidiin Isku Dhisay Labadii Ubad Ahaa Ee Loo Aqoonsaday Caruuska Iyo Caruusadda Ugu Da’ Yar Dunida
January 13, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhawaan ayay ahayd markii shabakadaha Xidhiidhka Bulshada ee dunida gaar ahaan kuwa dalka Masar si weyn loogu baahiyey labad ubad ah oo lagu kala magacaabo Zayn oo 7-jir ah dhigtana fasalka labaad ee dugsiga hoose iyo gabadh yar oo ay ilma-adeer yihiin oo lagu magacaabo Fariida oo uyana jirta 4 sanadood sawiradooda oo lagu sheegay in la isu guuriyey lagu baahiyey shabakadahaasi taasi oo doodo badan dhalisay iyada oo culimada dalkaasi iyo kooxaha xuquuqda ubadka u doodaa si weyn u cambaareeyeen. Markii haddaba sheekada labadaasi ubad ahi soo baxday oo la sheegay in ay labadooda waalid oo walaalo ahi isku guuriyeen kalana qaateen lacag dhan 18 kun oo Ginida Masaarida ah ayaa waxa soo baxaya in xukuumadda dalkaasi Masar ay gacanta ku dhigtay labadii waalid ee labadan ubad ah ee wiilka iyo gabadha ah isu guuriyey kadibna maxkamad loo gudbiyey si ganaax iyo tallaabo sharci looga qaado.

caruus ciyaala

Masuul u hadlay maxkamadda deegaanka Qalyuubiya ee labadan ubad ah qisadoodu ka dhacday ayaa sheegay in ay labada waalid mudan karaan ganaax lacageed iyo xabsi muddo kooban ah haddii ay ku caddaato in ay tallaabadan labada caruur ah la isugu dhisay ay ku kaceen iyada oo buu yidhi qaanuunka dalka Masar dhigayo in aan ubadka 15-jir wax ka hooseeya la isugu guurin Karin.

“Xeerka Arrimaha Caruurta qodobkiisa 126 ayay ku xad gudbeen mana aha wakhtigii ku habboonaa ee la isugu guurin karo laba qof. Labadan caruur ah oo gabadhu 4 jir tahay wiilkuna 7-jir waxa laga galay dambi nafsaddooda lagu waxyeeleeyey mana fahmi karaan guur iyo arrimihiisa toona. Labadii waalid ee kala dhalay oo la sheegay in ay walaalo ahaayeen ayaa la ciqaabi doonaa haddii ay ku caddaato” sidaa waxa yidhi xubin u dhaqdhaqaaqa xuquuqda caruurta oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan deegaanka Qalyuubiya oo ah goobta falkani ka dhacay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews