Khamriga Oo Mar Kale La Caddeeyey In Uu Sababo Cudurro Khatar Ku Ah Nolosha Aadamaha
January 17, 2017 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis cusub oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda American College of Cardiology ee ka faalloota caafimaadka wadnaha ayaa lagu ogaaday in dadka cabba khamrigu ay khatar u yihiin in ay ku dhacaan noocyada kala duwan ee cudurrada wadnaha.
Cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa sii iftiimisay noocyada cudurrada ugu badan ee dadka khamriga cabba ku dhaca in ay ka mid yihiin, Wadna qabadka (Heart Attack),wadnaha oo hawlgaba, (Heart failure), Wadne Gariirka (Atrial Fibrillation) iyaga oo dhinaca kalana cilmibaadhayaashu caddeeyey in cudurradaas wadnaha ku dhacaa ay sidoo kale ku yimaaddaan sababo ay ka mid yihiin, sigaar nuugista, buurnimada, macaanka iyo dhiigkarka.