berberatoday.com
Daawo Muuqalka”War Kama Dambays Ah Oo Laga Soo Saarey Wadahadaladii U Socday Garabka Toosinta Xisbiga WADDANI Iyo Xisbiga KULMIYE
February 10, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday)-Garabkii toosinta iyo cadaaladda ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxay warbaahinta maanta si rasmi ah ugu sheegeen in ay soo gabo gabeeyeen wadahadaladii u socday labada dhinac.

Xasan Gaafaadhi afhayeenka Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxa uu sheegay in ay heshiis kama dambays ah isla gaadheen isla markaana ay ku balameen in todobaadka soo socda magaalada Hargeysa loogu qaban doono Xaflada soo dhawaynta Garabka toosinta xisbiga Waddani halkaasi lagu kala saxeexan doono qodobo dhowr ah oo ay isla gaadheen.

Dhanka kale Hinda Jaamac Gaani oo ah Afhayeenka Garabka toosinta iyo Cadaaladda ee xisbiga Waddani waxay si rasmi ah u sheegtay in is afgarad laga gaadhay wadahadaladii u dhaxeeyey labada dhinac iyada oo ugu baaqday dhamaanba taageerayaasha garabkooda in ay u diyaar garoobaan xaflada midowga garabkooda Cadaaladda Waddani iyo sidoo kale xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.

Mudooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxa magaalada Hargeysa labada dhinac uga socday wadahadalo dhaxeeyey Garabkan ka soo cadhoodey shirwaynihii xisbiga Waddani iyo sidoo kale Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews