berberatoday.com
Dhaliilaha Gudoomintii Saleebaan Ee Fadhigii Wada Jirka Ahaa Ee Baarlamaanka Iyo Odoyayntii Shirgudoonka Loogabartay Oo Luntay.
February 14, 2017 - Written by Berbera Today

Askarta uu guddoomiyuhu amray ayaa iyaguna xildhibaanno dhawr ah si garba-duub iyo jujuub ah golaha xoog kaga saaray.

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siddeed iyo Afartankii saac ee ka dambeeyey fadhigii wada jirka ahaa ee ay labada gole Baarlamaan ee Somaliland ku ansixiyeen waxa ay xukuumaddu ugu yeedhay , ‘nuxurka heshiiska saldhigga Berbera’ waxaa si isa soo taraysa bulshada doodo iyo guux uga dhex abuuray qaabkii uu guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland , Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan u maamulay fadhiga wada jirka ah oo sharcigu isaga siinayo guddoomintiisa

Golaha Guurtida Somaliland oo sida magaciisaba ka dhadhamaysa looga bartay odayeyn, iyo isu soo jiidista dhinacyada kala durka, ama si kooban guurtiyeyn, aalaana ku dadaali jiray in ay arrimaha xasaasiga ah ka fogeeyaan siyaasadaynta iyo caadifadaynta, ayaa uu markan Guddoomiye Saleebaan ku hoggaamiyey

jid aad uga fog kii looga bartay shirguddoonka golaha odayaasha.

Hadallo kulul, dhegeysi la’aan, cadho aad u badan, iyo ereyo marar badan deelqaaf u dhadhameyey ayaa uu guddoomiye Saleebaan golaha kala dhex kacay, iyada oo mararka qaarkood xaaladdu u muuqanaysay in ay faraha ka bixi gaadhay, “Saara isagana, raaciya.. raaciya, waar bax waaryaa,  bax.. bax” Ereyadaasi waxay ka mid ahaayeen erayadii uu guddoomiye Saleban sida cadhada leh ugu tiraabayay isagoo kor u taagan, oo askar si aan caadi ahayn gudaha golaha u joogtay amar ku siinaya in ay golaha bannaanka uga saaraan xildhibaano dalbanayey in keliya  hadalkooda la dhagaysto.

Askarta uu guddoomiyuhu amray ayaa iyaguna xildhibaanno dhawr ah si garba-duub iyo jujuub ah golaha xoog kaga saaray.

Waa hab dhaqan cusub oo ku soo kordhay golaha baarlamaanka in shirguddoonku xildhibaanada u diido inay dood ka dhiibtaan heshiis caalami ah oo dal shisheeye la’la gelayo, masiirka dalka iyo dadkana saamayn ku yeelanaya. Sidoo kale waxa iyana bilow ah in shirgudoonku awood ciidan u adeegsado xildhibaanada dood aan gacan ka hadal wadan kala horyimaadda ajandaha uu u wato in loo meelmariyo.

Hab-dhaqanka Guddoomiye Saleebaan ee cunfiga iyo dagaalku hadheeyey waxa uu ahaa mid shacab badan ku keenay fajaciso, dhaliyeyna in su’aalo la iska weydiiyo halka uu marayo golaha guurtida, gaar ahaan shirguddoonkii golaha guurtida oo buriyey dhammaan halbeegyadii odaytnimo iyo waayeelnimo, kuna guul darraystay in uu arrin sidan xasaasi u ah si xasiloon oo aan xanaf reebin ku gudo-galo, haba u socodsiiyo jihada uu rabo ee.

In kasta oo muddo badan golaha Guurtida lagu dhaliili jiray in aanay ka hor iman ajandeyaasha ay xukuumaddu wadato, haddana marnaba waxa ay ahayd tallaabo ugub ah oo aan looga baran shirguddoonkii ka horreeyey Guddoomiye Saleebaan ee golaha Guurtida oo caan ku noqday odayayn iyo in si deggen ay isteerinka ugu qabtaan hagista golaha ee xilliyada kulamada xasaasiga ahi jiraan.

Waxa kale oo arrimahan laga dhex arkay sida aan xukuumadihii ka horreeyey madaxweyne Siilaanyo u dhicin ee ay isugu milmeen shirguddoonka iyo xukuumadda oo la dareemayo inay si ka baxsan wada shaqaynta distooriga ah isu dhex qaadeen, marka la garab dhigo shirguddoonkii hore Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf oo ahaa shirguddoon ka madaxbanaanaa labadii xukuumadood ee hore ee Marxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, taas oo ah bidhaan aan u fiicnayn dimuqradiyadda iyo dhowrista sharciga iyo nidaamka qaranka.

Saleeban Gaal

Xigahso Geeska.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews