berberatoday.com
Garsoorka Spain Oo Shirkad Diyaaradeed Ku Xukumay Inay Mag-Dhaw Lacageed Siiyaan Haweenay Muslim Ah Oo Ay Ku Ciqaabeen Xidhashada Xijaabka!
February 16, 2017 - Written by Berbera Today

Madrid(Berberatoday.com)-Garsoorka Dalka Spain ayaa xukun ku soo rogay Shirkad Diyaaradeed oo haweenay Muslimad ah oo u shaqayn jirtay iyada oo xidhan xijaab in ay magdhaw lacageed siiyaan gabadhaasi, kadib markii ay shaqada ka joojiyeen kuna ciqaabeen xijaabka ay xidhatay awgeed, sidoo kale maxkamadda ayaa ku xukuntay shirkadaasi inay dib ugu ogolaato gabadhan inay sii wadato shaqadeeda isla markaana ku shaqayso xijaabka ay diinteedu farrayso.

warka muslimada spainShirkadan oo magaceeda la yidhaahdo Acciona Airport Services ayaa makamadda ku taalla Palma De Mallorca waxay ku amartay inay fuliso xukunkaasi oo ay siiso haweenaydaa shaqaalaha u aheyd magdhaw dhan 8 kun oo Euro iyo sidoo 4,500 oo Eruo oo ay shirkadu kaga jirtay toddoba ciqaabood oo ay marsiisay haweenaydan.

Haweenaydan ayaa la sheegay inay asal ahaan ka soo jeedo Dalka Morocco, balse ay ku dhalatay Dalka Spain, waana muwaadinad muslimada ah.

Haweenaydan oo ka hawl gali jirtay shirkadan tan iyo sanadkii 2007dii, waxaana la xaqiijiyay in aanay marka hore xijaaban jirin, Laakiin ay muddooyinkii danbe ka codsatay maamulaheeda in loo ogolaado inay xidhato xijaabka,madaxda shirkdan ayaan waxa jawaab ah ka soo saarin xukunka ay maxkamaddu ku xukuntay, sidoo maxakamadda soo saartay xukunkan ayaa sheegtay in qof kasta oo ku nool dalkaasi uu xaq u leeyahay inuu qaato waxa ay diintiisu farrayso, sidaa awgeedna aan shaqooyinka la galin cunfi la xidhiidha Diinta uu qofku haysto.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews