berberatoday.com
“Waar Doorashadii Meeday, Laba Iyo Toban Sanno Ayuu Barlamaankii Fadhiyaa, Toddoba Sanno Ayuu Madaxweynihii Marayaa ..” Prof Gees
February 18, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof:Maxamed Siciid Gees, oo Xukuumadihii ALLE ha u naxariistii

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin xilal ka soo qabtay, kana mid ah aqoonyahanada dalka, ayaa ka hadlay Saldhiga Milatari ee Xukuumaddu dalka ka siiyey Imaraadka, oo muddooyinkan aad loo hadal hayo, waxaanu ku taliyey in dadka aqoonta u leh, Janaraalada iyo Wasaaradda shaqada ku leh inay ka hadalaan, oo ay dadka wax u sheegeen.

Image may contain: one or more people

 

 

Prof:Maxamed Siciid Gees, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada, waxaanu is barbar dhig ku sameeyey Somaliland iyo Somaliya, waxaanu tilmaamay in intii uu Madaxweyne Axmed Siillaanyo xilka hayey in saddex Madaxweyne Somaliya iska bedeleen, halka Barlamaanka Somaliland joogayna ay Somaliya iska bedeleen saddex Barlamaan, ugu horeyna isagoo ka hadlaya Saldhiga Milatari ayaa yidhi

 

“Haddii wuxu xero geel lagu xaraynayo yahay ninka geel jira ah ayaa ka hadla, haddii meeshu Hudheel tahay dadka hudheelada yaqaana ayaa la weydiiyaa, wax walba waxa loo diraa cidda taqaana, marka xataa anigu kama hadli karo Saldhig Milatari, waayo maba garanayo oo waligayba maan arag Saldhig Milatari,waar Saldhig Milatari muxuu yahay ma meesha ayaa la xidhanaya, muxu noqonaya ma garanayno, markaas dadka diidani waxay ku diidan yihiin garan mayno, dadka u ololaynayaa waxay ugu ololaynayaan garan mayno, midina noomay sheegin, wuxuun baa la isku riix riixayaa, laakiin anigu waxaan odhan lahaa Janaraaladii, Wasaaraddi iyo dadkii farsamada yaqiinay ee Saldhiga Milatari yaqaanay ha ka hadleen bahasha, oo wax ha noo sheegeen, dadweynaha ayaa la wareerinayaa ee dadweynaha ayaan la wareerin”.

Prof:Gees mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi

“Hal laga hadlo Doorashadii, waar Doorashadii meeday, laba iyo toban sanno ayuu Barlamaankii fadhiyaa, Todoba sanno ayuu Madaxweynihii marayaa, Guurtidii labaataan sanno ayey maraysaa, waar kuwaas baa micno leh ha laga hadlo, oo nimankii Somaliya ee aynu ka go’nay intii uu Madaxweynuhu joogay saddex Madaxweyne ayaa is bedelay, oo intii Barlamaankani joogay saddex Barlamaan baa is bedelay, markaas maxaynu sheegaynaa, halkaas ha laga hadlo, ee naga daaya Xeradan aynu ku wareernay”.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews