Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Waabeeye Oo Beeniyay In Uu Ku Biiray Xisbiga Waddani
January 24, 2016 - Written by Berbera Today
Khamiistii anoo jooga Laan-mulaaxo oo wacyigelintii wata waxa igu soo maray Guddoomiyaha Waddani iyo wefti uu horkacayo oo xildhibaano
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo ah guddoomiye xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE islamarkaana ka tirsan siyaasiyiinta isbahaysiga KULMIYE, ayaa beeniyay inuu ku biiray xisbiga Waddani islamaraana uu guddoomiye Cirro ku weheliyay safariwacyigelin ah oo uu ku marayay deegaano ka tirsan Gobalka Togdheer.
Xildhibaan Waabeeye oo u waramay Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu muddo safar wacyigelin ah ugu maqnaa gobalada Togdheer iyo Oodweyne, waxaanu sheegay in wefti uu horkacayo guddoomiye Cirro oo ay xildhibaano ka mid yihiin ay ku kulmeen magaalada Laan-mulaaxo ee gobalka Togdheer oo uu xildhibaanku ku sugnaa, Sidaad la socotaan waxay diiwaangelintii ka bilaabantay gobalka Togdheer, maadaama oo aan ahay xildhibaan laga soo doortay gobalka Togdheer, waxaan ka qayb qaatay wacyigelinta diiwaangelinta ee Togdheer iyo Daad-madheedh, waxaanan safarkayga ka bilaabay Oodweyne anoo markii dambena gaadhay xuduudka Hawdka halkaas oo aan dadka ku wacyigelinayay inay qaataan kaadhka codaynta doorahada.