berberatoday.com
Hay’ad Fadhigeedu Yahay Kampala Oo Udooda Xuquuqa Adamaha Oo Ka Hadashay Xadhigga Iyo Xayiraada Wargeyska Hubsad Iyo Masuuliyiintiisa
January 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hay’adda Difaacayaasha xuquuqal Iinsaanka ee Geeska Afrika, ayaa ka hadashay dacwadda lagu soo oogay Guddoomiyaha iyo Tifaftitaha Wargeyska Hubsad oo Xaruntiisu tahay Hargeysa Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar Cabdillaahi, waxaanay hay’addu Somaliland ka codsatay in laga daayo danbiyada lagu haysto labadan wariye.

hubsad

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta xuquuqal Iinsaanka Geeska Afrika oo xarunteeda tahay magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda, ayaa ku baaqday sheegtay in Somaliland joojiso weerarka ay Warbaahinta ku hayso, waxaanu War-saxaafadeedkaas oo dhan u qornaa sidan, “Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika waxay Maanta (Shalay) soo saareen war-qoraal oo Maamulayaasha Somaliland waajib uga dhigayso inay joojiyaan weerarka ay ku hayaan suxufiyiinta iyo warbaahinta.

Hay’adda waxay cambaaraynaysaa dembiyada lagu haysto Cabdirashiid Nuur iyo Siciid Khadar. Labada Wariye ayaa lagu eedeeyay qodobbo hoos yimaadda Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Dacwadda dhageysigeeda hore wuxuu dhici doonaa maalinta Sabtida ah ee 23 January.

Agaasimaha ee Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika Hassan Shire ayaa sheegay in dembiyada lagu haysto Wariyasha farriin cad tahay inay Maamulayaasha Somaliland weerar ku hayaan Warbaahinta iyo in Suxufiyiinta ayna ka hadli karin war ka so horjeeda Dowladda. “Somaliland waa in ay oggolaata in suxufiyinta ay shaqayaan hor istaag la’aan.”

Dhamaadkii bisha October, Hubsad waxay daabacday maqaal sheegay in dawladda ay dhul fara badan ay leedahay, si sharci daran ku iibisey. Taasi ayaana aad loo rumeysan yahay sababta ka dambeysa xariga.

30kii November 2015 Cabdirashiid, oo madax ka ah Wargeyska Hubsad, iyo Siciid, tafatiraha Hubsad, ayaa saldhigga booliiska Hargeisa lagu xidhay. Xadhiggooda ka hor, labada Wariye waxay booqdeen xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si ay ula socodsiiyaan magacyadaa hoggaanka cusub ee Wargeyska, laakiin, waxaa loo diray saldhigga booliska. Amarka Xeer-ilaaliyaha Guud ka bacdi ayaa labada wariye la xidhay. Bishii October, dawladda waxay joojisay Wargeyska Hubsad – sababta ay sheegtayna waa in warqad haysan (Sharci)

Cabdirashiid iyo Siciid qareenkooda wuxuu sheegay in Hubsad ay leedahay liisan. Lahaanshaha iyo hoggaanka wargeyska waa lagu wareejiyay Cabdirashiid iyo Siciid. Dib-u-diiwaangelin looma baahna markii lahaanshaha iyo shaqaalaha isbeddelaan.

Labada Wariye waxaa la sii daayay 3 December, laakiin, waxaa hadda lagu eedeeyay qodobo ka tirsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland (daabacid ama faafin war been ah iyo diiwaan gelin la sameynin). Dacwaddan dhageysigeeda hore wuxuu dhici doonaa maalinta Sabtida ah ee 23 January. Haddii Maxkamaddu ay gaadho go’aan in Wariyeyayaasha ay ku xadgudbeen Sharciga, waxaa laga yaabaa in ugu yaraan labadoodu hal sano lagu xukumo ama Wargeyska la xidho.

Sannadkii 2004, Somaliland waxay soo bandhigtay sharci Warbaahinta. Qodobka saddexaad waa aqoonsan yahay xorriyadda saxaafadda ku xusan dastuurka. Waxaa qoran saxaafadda cabudhin lagulama kici karo iyo waxa reebban wax kasta oo loo qaadan karo faaf-reeb. Waxaa kale oo qoran in saxaafadda ku xad gudubta faqradaha qodobkan waxa loo raacayaa anshaxmarinta ku xusan xeer-hoosaadka anshaxa saxaafadda iyo xeerarka madaniga ee dalka ee falkoodu khuseeyo.

Dhowr Warbaahin ayaa jira oo dawladda Somaliland xidhay sababata oo ah inay dawladda ka soo horjeedaan. Bishii Abriil 2014, boolis ayaa galay Haatuf oo amar bixiyay in wargeyska la xidho si degdeg ah. Bisha May, maxkamadda gobolka waxay xukuntay in la xidho guddoomiyaha iyo tafitiraha iyagoo lagu haysto faafin war been ah iyo war dawladda ka so horjeeda. Labada Wariye ugu danbeyn waa la sii daayay, laakiin, Wargeyska weli waa xidhan yahay.

Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika waxay ugu baaqeysaa madaxda Somaliland in: –

.dembiyo lagu qabsan Cabdirashiid Nuur iyo Siciid Khadar;

.in dib loo furo Wargeyska Haatuf iyo inay qaadaan tallaabooyin lagama maarmaan ah oo ay joojiyaan weerarka ay ku hayaan Warbaahinta lana xushmeeyo xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews