berberatoday.com
“Waxaan ahay Hooyo Wiilkeedii Madiga Ahaa La Dilay Oo Goblantey Ee Arrinkayga Hoos U Eega…”
January 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hooyo Wiilkeedii ku baxay Gacanta Booliska oo Caddaalad dalbaneysa

 

Aniga oo ah Khadra Daahir C/laahi, ahna Hooyada la dilay Wiilkeeda DAAHIR C/LAAHI JAAMAC. Aniga oo ah Muwaadinad reer Somaliland ah, anigoo ah Hooyada dhashay wiilka da’ada yar ee lagu dilay Xaafadda Maxamed Mooge ee Hargeysa dil toogasho ah oo sharcidaro ah, waxaanu baaq u dirnay Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Somaliland, isagoo Wasiirku dhagba jalaq u siin waayay iskana dhego-mariyay dilka Madiga yar loo gaystay, waxaan baaq ballaadhan u dirayaa Madaxweynaha J.S.L Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD SIILAANYO iyo marwadiisa AAMINA WARIS MAXAMUUD JIRDE. Labada Gole Qaran ee Baarlamaanka, Golaha Wasiirrada, Salaadiinta Somaliland meel kasta oo ay joogaan, Cuqaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Hay’adaha xuquuqada Aadamaha u dooda waxaanan idin ogaysiinayaa inaan taalabo laga qaadin Taliyaha haysta saldhigaasi iyo In la Saldhig kale loo beddelay Saddexdii Askari ee (wada socday markii Dilka Wiilku dhacay). Isla-markaana Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha CALI WARANCADE uu si cad isu hortaagay in aan naloo soo qaban Gacan ku dhiiglaha dilay Wiilkayga. waxaan iidiin sheegayaa in aan ahay Hooyo dhiban oo Goblantay Wiilkaasi Madiga ah ee ay dhashayna la dilay.

Waxaan idiin sheegayaa in aan ahay Hooyo u shaqaysa QARANKA Macalimadna ahayd muddo 20 sano ah. Waxaan idiin sheegaya in uu Wasiirka Waran-cadde ku guul daraystay jawaabta uu ka bixiyay dilka Wiilkaygii DAAHIR CABDILAAHI JAAMAC (DAKHARE) . Waxaan idiin sheegayaa in uu Wasiirku Hay’adaha Sirdoonka si cad isku hor taagay in ay baadhitaan ku sameeyaan Dilka Dhacay, sharcigana lndhaha ka riday.

Waxaan idinka codsanayaa in aad hoos u eegtaan Baaqaygaa waxna ka qabataan Falka Arxan darada ah ee la nagula kacay.

Waxaan rajeynayaa in aad nala qaybsan doontaan Murugadaa Xanuunka badan ee aan idiin soo bandhigay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews