berberatoday.com
Aaskii Aan Tegay Iyo Dhaqanka Madaxdii Joogtay
January 25, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa:-Goobtu waa xabaalaha Naaso-hablood ee dhinaca waqooyi ee magaalada Hargeysa, sababta la iskugu yimina waa duugista Hooyo reer Hargeysa oo geerideeda marka ehelkeeda laga tago si weyn looga dareemay gudaha aqalka dawladda hoose ee Hargeysa.
Maadaama geeridani taabatay shaqaalaha Dawladda Hoose oo marxuumadda dhimatay ay hooyo u ahayd midka mid ah Hawl-wadeenada Dawladda Hoose, waxa si weyn ka qaybgalka jinaasadan iskugu xilqaamay inta badan shaqaalaha saree e dawladda hoose, gaar ahaan waxa goob joog ka ahaa xildhibaanada golaha deegaanka oo uu hoggaaminayo guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(soltelco), ku-xigeenkiisa mudane Cago-weynana goobta kama uu maqnayn
Waxan kamid ahaa dadka nasiibka u yeeshay inay ka qaybgalaan jinaasadaas ay ku sugnaayeen hoggaanka Dawladda Hoose ee Hargeysa, aaska iyo duugistaas oo aan u holladay inaan eebe Ajri kaga dalbo ka sokow waxa si weyn iisoo jiitay anigoo aan xabaasha dusheeda gaadhin markii aan arkay Raxan kamid golaha deegaanka oo uu Maayarku hoggaaminayo oo xabaasha ku socda, waxana igu dhalatay inaan dhaqdhaqaaqooda waxoogaa la socdo.
Markii aan xabaasha tegay waxan arkay godkii oo gebogebo ku dhaw oo rag xoog ah oo badani isu dhaafayaan, waxana igu adkaatay inaan ka helo boos aan ka galo oo xataa majarafadaha ciidda lagu tuurayey cid bay kooto ugu xidhnaayeen oo gacmahooda inay ka baxaan umay oggolayn.
Markii aan arkay inay adag tahay inaan cidda godka qodaysa si fudud uga mid noqdo waxan wakhti kooban ku qaatay godka dushiisa anigoo taagan, waxana aan gebi ahaanba agagaarkii xabaasha ka waayey xildhibaanadii golaha deegaanka ee uu maayarku hoggaaminayey, waxanse baallo-daymood dheer kadib ka helay goob aan ka fogayn halkii ay baabuurtoodu taallay oo qaddar ilaa 70-tallaabo aan ku qiyaasay u jirta goobta xabaasha laga qodayo, iyadoo waliba Maayarka iyo ku-xigeenkiisaba si weyn loogu urursan yahay oo aad mooddo inay wali joogaan xafiisyadii dadka faylasha sitaa safafka u geli jireen.
Labada masuul oo xidhibaanada golaha deegaanka, gaar ahaan xubnaha sida gaarka ah ugu xidhani kamid ahaayeenna aanay ka ag fogayn, Ayaan wakhti dheer geliyey qancinta iyo la faqidda dad salaadiin, cuqaal iyo ganacsato u badan oo halkaas kula kulmay, waxana uu shawrkaasi qaatay muddo nusa-saace ama saacad badhkeed ku dhaw oo aniga laftaydu aan si fiican u darsayey dhaqdhaqaaqa madaxdaas goobta jinaasada ah joogtay iyo sida ay u dhaqmayeen oo iila muuqatay mid ciddii arkaysaaba murugo ka qaadayso.
Waxan dareemay oo xuuraan kooban oo aan halkaas ka galay ku ogaaday in dadka goobtaas maayarka iyo ku-xigeenkiisa kula kulmayey ay u badnaayeen qaar ogaaday inay ku sugan yihiin xabaashaas oo aanay ku talo galkoodu ahayn inay aaska ka qaybgalaan, balse qasdigoodu ahaa inay labadaas masuul oo ay fursad kale u waayeen halkaas ka helaan, isla-markaana garwaaqsaday inay halkaas ka helayaan fursad aan askari iyo cid kale midna ka hor istaagi Karin cidda ay rabaan, isla-markaana sirta ay wataan ku sheegan karaan.
Maayar Soltelco iyo ku-xigeenkiisa, ayaa dadkaas tirada badan ee xabaasha agteeda ay kula kulmayeen intooda badan kala hadlayey arrimo dhul iyo dano gaar ah oo dadkaasi rabeen inay u fudaydiyaan, waxana labada masuul sida dhegahayga kusoo duulaysay ay dadkaas iskaga dhaqaajinayeen ballamo iyo inay diyaar u yihiin inay arrimahaas dhameeyaan, balse waxan waayey kelmad kali ah oo labada masuul ku sheegayaan inay aas joogaan, isla-markaana aan loo baahnayn in arrimahaas lagaga wada hadlo jinaasada dusheeda.
Marnaba maayarka iyo ku-xigeenkiisa uma ay suurtogelin inay xabaasha ay usoo qasdiyeen ka qaybgalkeeda dul istaagaan, iskaba daa inay hal majarafad oo ciid ah tuuraane, waxana meydkii la keenay intii shawrka dadweynaha iyo ballamaha tirada badan ay ku mashquulsanaayeen, iyagoo ugu dambayntii ku warhelay dadkii aaska ka qaybqaadanayey oo markali ah soo dareeray.
Tiro ahaan qiyaastayda marka la isu eego dadka inta xabaasha iyo goobta aasku ka socday taagnayd iyo inta Maayarka iyo xildhibaanadiisa ku dul meehanaabaysay, waxa badnaa inta godka iyo iilka la qodayo aan ka tul wareegin ee maayarka iyo ku-xigeenkiisa dul joogtay, kuwaas masuuliyiintii aaska joogtay ka mashquuliyey jinaasadii ay yimaadeen.
Ugu dambayntii indhahaygu waxa ay qabteen Maayar Soltelco iyo ku-xigeenkiisa Md Cagoweyne oo baabuurtooda boobaya, isla-markaana xawaare aad u dheeraynaya goobtaas kaga soo dhaqaaqay, waxase kasii yaab badnayd markii dadweyne tiro badan oo gaadiidkooda watay ay soo daba galeen gawaadhidii Maayarka iyo ku-xigeenkiisa, taas oo ii muujisay in dhammaanba gaadiidka soo raacay madaxdaasi aanay aaska u soconin ee ay ujeeddadoodu ahayd inay xabaasha u arkeen fursad ay madaxdaas ku heli karaan.
Su’aasha taagni waxa ay tahay maxaa madaxda golaha deegaanka Hargeysa ka dhigay qaar dadkii ay u shaqaynayeen u arkaan inay kaliya xabaalaha oo kali ah ka heli karaan iyadoo aynu wada ognahay inay madaxdaasi leedahay xafiisyo lagu yaqaanno, isla-markaana ay sheegaan inay jiraan maalmo ay dadweynaha la kulankooda ugu talo galeen.?
Qore:Weriye Axmed Cumar Axmed (timo)
COMMENTS
|