Hargeysa yaabtey Muqdisho maxay jeceshahay ??
January 25, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
marka aad eegto dhacdooyinka Muqdisho ka dhacay iyo waxa muqdisho lafteedu ka sheekeynayaan waxaa dareemeysa iney tahay laba arin oo kala durugsan ama kaaf iyo kala dheeri ah, marmarka qaarkoodna waxaabad is odhaneysaa bulshada oo dhan ayuu saameeyay xanuun nafsaani ahi. magaaladii wey duntey dadkiina wuu dumey. waxan daawanaayey dhacdo galguduud ciidanka lyuu police ka sameeyeen oo maalin keliya ay dhegta dhiigga u dareen dad ka badan 62 nin oo dhalinyaro u badan dadkaas ma jirrin shicib iyo maamulka ay sheegtaan cid ka hadashey. waxa tagey wefti ka daba tagey dad kale oo farabadan oo la kaxaystey marki ay tageen waxa lagu yidhi dadkii dhintey wey dhinteen idinkana waa leydin dalxiis geynayaa kuwa xidhana waa la sii deynayaa. sheekadaasi waxay ku dhamaatey weftigii oo la dalxiis geeyey. cid dambe oo soo hadal qaadeyna ma jirrin. waxaa maalin kasta dhacaysa in maalin kasta aad arkeyso xasuuq aan loo aabo yeeleynini in uu meesha ka socdo kaas oo lagu khaarajinayo dumar iyo carruur iyo cid kastaba arimahaas oo dhamaan halkaa lagu ilaabayo iyada oo aan cashar keliya laga faaideysan.waxaaba taas ka sii daran dadka reer muqdisho iyo maamulkooda taagta darran ee Burundiyaanka,Kenya,Ethiopia, Ugandha iyo jabuuti waardiyeyaan oo ilaa hada aanad garan karin iney dhibaatada meesha ka socota diidan yihiin iyo iney sidanba raali ka yihiin, arimahaas oo daliil ay ka yihiin shacbiga reer muqdisho ma garan kartid gees aad u qaado magaran kartid waxay jecel yihiin iyo waxay neceb yihiin. tusaale hadaan u soo qaato waxad warbaahinta ka arkeysaa iyaga oo neceb ciidamada gollohooda wakiiladu ugu yeedheen iney amniga u soo celiyaan. waxaad arkeysaa iney dhamaantood ku farxayaan dhimashada ciidamada nabada u ilaalinaya iyaga oo si indho la aan ah u taageeraya ururka shebaab oo caadeystey iney maalin kasta dhiiggooda daadiyaan. miyaan leys odhan karin wraali ayaabey sidan ka yihiin. waxa intaas ka sii daran sida ay dhamaan waxaa xero dhiigta ka socda indhaha uga qarsanayan iyagoo eegaya gudaha dawlada jaarkooda ah ee Somaliland iyo horumarka ay sameysey ka dibna gudahoodii ilaabey. waxa taas ka markhaati kacaya sida ay maalin kasta weriye yar oo qarankiisu xidhey ama fanaan qarankiisu xidhey ugu banaan baxayaan iyagoo sitaa boodhadh waaweyn oo lagu soo xardhey FREE COLDOON, FREE XIDDIGAHA GEESKA maxa kaaga gidhiisha gudaheega qudhmey mey hagaajistaan. maad ku banaan baxdaan xasuuqa meesha ka socda mise dadka reer muqdisho waxba kama duwana adhi carbeedka miyaan la odhan karin qofka Burco lagu xidhey ayaa ka qiimo badan kuwaa aaney cidina ka hadleyn ee tarab tarabka loo gumaadayo.Hargeysaa yaabtey waxaaney leedahay aniga Somaliland ayaa ley yidhaa waa jecelahay itoobiya dadkayagii ayaa ku nool waa jaarkayagii adigu hadii aad neceb tahay idinka ayey idiin taallaa waxaad jeceshihiina xor ayaa u tihiin hadaad doontaan magacan soomaliya iskaba badala waxad la baxdaan sidan imika uuxaqiiqadii yahay ee SHEBAABLAND callankana shanti soomaliyeed riyadeedi wey dhamaatee hal xabbo oo muus ah ku sawirta.