berberatoday.com
Hoos U Dhigga Qiimaha Sarifka Dollar ku Waa Farsamo Cusub Oo Ay Xukuumadu Kula Baxayso Lacagta Ku Jirta Jeebka Danyarta Somaliland. By. Mohamed Gacayte
January 25, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hoos U Dhigga Qiimaha Sarifka Dollar ku Waa Farsamo Cusub Oo Ay Xukuumadu Kula Baxayso Lacagta Ku Jirta Jeebka Danyarta Somaliland. By. Mohamed Gacayte

Maalmihii u danbeeyay waxa si wayn looga dareemay Suuqyada Somallland, hoos u dhaca balaadhan oo ku yimid qiimhii sarrifka dollar-ka iyo kor u kac ku yimi qiimihii lacagta shillinka Somaliland, balse waxa uu sicirkoodii kor u sii kacay qiimaha Maceeshada iyo Shidaalka oo wax ku kordha mooyaane aanay waxba iska badalin, iyadoo nolosha dadku maalinba maalinta ka danbaysa sii adkaanayso duruufo adagna lagu jiro waqti xaadirkan oo ay ka mid yihiin Abaaro baahsan, Biyo la,aan iyo Sicirbarar.

Hadaba go,aanka degdega ah ee Xukuumada Siilaanyo kusoo rogtay in hoos loo dhigo qiimaha sarifka dollarka ayaa u muuqda mid aan laga fiirsan wax daraasad ahna lagu samaynin habayaraatee. Waxaynu wada ognahay in shidaalkii aduunku marayo halkii ugu hoosaysay abid, todobaadkii hore intii aan hoos loo dhigin qiimaha sarifka dollarka wuxuu ahaa ($1 =8,000sl/shilng) maantana wuxuu noqday ($1 =6,000sl/shilng) tusaale ahaan qiimaha 20 litter ee Naaftada ahi wuxuu hore u ahaa $10 ama 80,000 Sl/shillings, maantana wuxuu marayaa $13.3 dollars oo u dhigma isla 80,000 Sl/shillings.

Dhaqaalaha shacabku 70% wuxuu ku xidhan yahay Lacagta Dollarka ah ee looga soo diro dalka dibadiisa. Dhibaato dhaqaale iyo sicir barbar ka daran kii jiray ayuu soo kordhiyay hoos u dhiga dollar, wuxuu sababay shaqo la,aan waxaana gabi ahaanba istaagay dhismayaashii iyo qandaraasyadii ka socday caasimada Hargeysa iyo wadanka intiisa kale. Sidaynu wada ognahay qofka ama qandaraaslaha dhisaya Guri ama Fooq, lacagta uu haystaa waa Dollar shaqaalaha u shaqaynaya wuxuu siyaa Sl/ shillings. Tusaale ahaan ninka kuuliga ah ee maalintii la siin jiray 50,000 sl/shilling oo markii hore ahaa $6.23, maanta wuxuu noqday $8.33, arintani waxay khasaare aad u balaadhan ku keentay muwaadinkii qandaraaslaha ahaa taasina waxay keentay inuu gabi ahaanba joojiyo shaqadii dhismiha.

Xukuumadda Siilaanyo waxa laga sugayay xakamaynta sicir bararka iyo inay isku dheeli tirto qiimaha Sarrifka iyo maciishada. Hadaba qorshahan hoos loogu dhigay sarifka dollarka wuxuu daaha ka fayday danta xukuumada ka leedahay in marqudha hoos loo dhigo qiimihii dollar ka oo aan la jaanqaadayn qiimihii maceeshada. Waxa muuqata in Xukuumada Siilaanyo oo gacan saar la leh Koox Ganacsato ah kuna shiraakoobeen sidii qiimo jaban loogu qaadan lahaa Lacagta Dollarka ah ee ku jirta Jeebka Bulshada reer Somaliland. Taasi waxay ka dhigan tahay markii lasoo xaalufiyay hantidii umada sida( Haamihii, Warshadihii laydhka, guryihii dawlada iwm) in maantana lacagtii ku jirtay jeebka dadweynaha kala soo baxdo. Waayo waynu ognahay in xukuumadu ay dhawrkii biloodba mar soo daabacato lacagta Somaliland oo diyaarado lagu keeno.

Hadal iyo dhamaan Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo oo shacabku usoo doortay si xor oo xalaal ah may noqon mid ka shaqaysa daryeelka nolosha bulshada Somaliland, balse waxay noqotay xukuumad baayac mushtar oo shaqo tag ah, danteeda mooyaane, aan danaynin danta umadeeda. Madaxweyne waxaanu kaa filaynay inaad xakaymayso dhibaatada sicir bararkii ka dhashay cashuurihii xad dhaafka ahaa ee sanad walba la kordhinayay, halkii aad cashuurta ka dhimi lahayd si sicir bararku hoos ugu dhaco, dawadiisii ma waxay noqtay in gacanta loo rito lacagta ku jirta jeebka bulshada reer Somaliland.

Guul iyo Gobanimo

Mohamed Aadan Gacayte

Falanqeeya arimaha siyaasada iyo bulshada

Gacayte09@gmail,com

Hargeysa Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews