berberatoday.com
Hooyo Ka Warbixisay Mujaahid u Jiifa Xanuun Ka Soo Gaadhay Xorayntii Dalka By: Khadar M. Xaashi
January 25, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa ()- Mujaahid Nuur Cabdi Caydiid oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ee u soo halgamay dib u xoraynta jamhuuriyada Somaliland, ayaa la ildaran xanuunka dhimirka, una xidhidhan xanuun maskaxda ah oo uu dhaliyay dhaawac ka soo gaadhay mid ka mid ah dagaaladii dalka lagu xoraynayay.

Maryan Barre Abiib oo ah hooyada dhashay mujaahidka oo tan iyo wakhtigii dalkku xoroobay la tacaalaysay xanuunka wiilkeeda haleelay, isla markaana dhaqaale ahaan aan awoodi Karin u gargaarida wiilkeeda buka, ayaa ka warantay xaaladiisa caafimaad.

Hooyo Maryama Bare Abiib  waxaa ay si faahfaahsan uga hadashay duruufaha nololeed ee ku gadaaman iyada iyo qoyskeeda waxaanay tidhi “Duruufta meesha nagu haysata waxaa noogu weyn ninkaas xanuusanaya, ee mujaahidka ah intii uu  xanuunka qabayna waa muddo 20-sanno ah, waxaanu ku dhaawacmay sheedaha waxaanu ka mid ahaa mujaahidiintii wadanka xoraysay ee baabuurta Tignikada ah ridaysay, markaa miciinkiisuna waa aniga oo dulfadhiya oo aan ka tagin, iyo aabihii oo xiiqleh oo todobaad markuu caafimaad qabo todobaadka kalana dhulyaal ah, oo da’diisuna aanay 80-jir ka yarayn, aniguna dibada ugama bixi karo oo sidaas uu u silsiladaysan yahay uun baan u silsiladaysanahay”

Hooyo Maryama waxa kale oo ay intaa ku dartay “Dhaqaale cid naga caawisa hadaanu helaynana Illaahaybaanu ugu mahadinaynaa, waxaananu ku noolahay makhsinkaa jiingada ah, qabow iyo kulayl midna nooma xamili karo waana 20 sanno intaa uu maanta qabo xanuunkani,”

Hooya Maryama waxaa ay baaq u dirtay bulshoweynta reer Somaliland gudo iyo dibadba, waxaanay ka codsatay in laga caawiyo dhibta inankeeda haysata  waxaanay tidhi iyada oo arintaas ka hadlaysa “Ma jirto cid noo timid oo naga soo wardoontay, halkan uun buu noogu silsiladaysan yahay anaguna awood aanu maanta dhakhaatiirta ugu gayno oo aanu ku soo baadhno ma hayno, bulsho weynta reer Somaliland, gudo iyo dibadba iyo dadka kale ee muslimiinta ah waxaanu ka codsan lahayn inay naga caawiyaan dhibaatada na haysata,  inankayga iyo anagaba na haysata hadii ay wax nooga qaban karaan oo ay na caawin karaan”

Hooyo Maryan iyada oo hadalkeeda sii wada waxa ay intaas raacisay “Inankan Aabihi wax camala oo uu hayaa ma jiro waana bilaa camal, saylada ayuu tagaa oo waa qoladan gees garaaca dadka saylada u daba jooga dharaarti,oo maalin uu soo helo iyo maalin uu soo waayaba waa uu leeyahay.”

Wll Warkan Illaahay Dartii Ubaahi

0634193917 Hooyo Maryan Abiib Illaahay Dartii U Soo Caawi 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews