berberatoday.com
Siyaasiyiin Doob Dillaacsaday Oo La Weriyey In Ay Ka Tashaneyaan Olollaha Abtirsaday Ee Xisbiga WADDANI Isugu Habar Wacday
January 25, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa (Berbertoday.com)-Waxa khilaaf xooggani u dhexeeyaa masuuliyiinta ugu sarraysa Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kuwaas oo isku maan dhaafay hannaanka maamul ee xisbigaas iyo habka loo wadayo halganka dariiqa dheeri ka horreeyo ee ay ku doonayaan hoggaanka Dalka.waddani

 

Sida  ay tilmaamayaan xogaha xisbiga kaadirkiisa sare laga helayo, waxa haatan loo maare la’yahay khilaaf cirkaas maraya oo u dhexeeya xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Md Boobe Yuusuf Ducaale iyo saraakiil tiro badan oo ay guddoomiye Cirro isku hayb yihiin, kuwaas oo kasoo ishortaagay soo jeedimo  uu Boobe badka keenay oo uu doonayey in lagu maareeyo hawlaha xisbigaas.

Xogta uu Wargeyska Hubaal arrintan ka hayo, ayaa intaas raacisay in muddo dhawr bilood ahba uu khilaafkaasi jirey, balse toddobaadyadii ugu dambaysay uu khilaafku xadhkaha goostay, isla-markaana uu xoghaye Boobe si badheedh ah xisbiga xidhiidhkii ugu goostay, isagoo saraakiil xisbiga katirsanna ugu hanjabay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono ka bixitaankiisa xisbiga iyo iscasilaadda xubinnimada iyo xilka uu hayoba.

Warku waxa uu intaas ku daray in Boobe Yuusuf muddo ka hor soo jeediyey tallooyin dhawr ah oo xisbigu ku waajahayo hannaanka xisbigu  uga qayb qaadanayo diiwaangelinta iyo waliba sida uu ugu qanci karo hab-raaca goobaha la iska diiwaangelinayo uu komishanku u dhigay oo uu xisbigu  saluug ka muujiyey, waxase dhammaanba soo jeedimahaas is hortaagay kaadiriinta xisbiga xubnaha ka ah ee ay guddoomiye Cirro kisku beesha yihiin, kuwaas  awood kaga hortegay fikradahaas, isla-markaana xoog ku muquuniyey aragtiyo kale oo kaso horjeeda kuwa Xoghaye Boobe.

Cadho badan, ayuu  Boobe Yuusuf iyo xubno ay isku aragti yihiin oo aanay noo suurtoobin inaanu magacyadooda helaa ka muujiyeen isbahaysiga Beelaysan ee xisbiga ka dhexjira, waxana isku qanciyeen inay arrinta dhulka dhigaan oo aanay dibadda usoo saarin, balse waxa taas u raacday cabashooyin badan oo ay guddoomiyaha ula tageen oo aan waxba laga qabanin, waxana ay taasi ku keentay inay gebi ahaanba xubnahaasi dhulka dhigaan hawlihii ay xisbiga u hayeen, iyagoo joojiyey dhaqdhaqaaqyadii af iyo addinba lahaa ee ay arrimaha xisbiga iyo horumarkiisaba kaga qayb qaadan jireen.

Boobe Yuusuf oo sida aanu xogta ku hayno isagu kooxdan saluugtay dhaqan qoyseedka xisbiga ka jira, ayaa isagu gooyey xidhiidhkii uu la lahaa dhamaanba saraakiisha saree e Xisbiga, waxana uu ka gaabsaday inuu ciyaaro doorkii warfaafineed ee uu caanka ku ahaa, isagoo door biday inuu afkiisa xidho, isla-markaana aanu ka muuqanin fagaarayaasha arrimaha xisbiga lagu hadal hayo ama lagaga doodayo.

Saluugga Boobe oo muddo soo huursanaa, ayaa dibadda usoo baxay markii uu guddoomiye Cirro kasoo noqday safarkiisii uu dalalka yurub kusoo maray, waxana laga waayey soo dhaweyntii weydda ahayd ee guddoomiyaha loogu sameeyey maddaarka Cigaal International Airport oo uu caan ku ahaan jirey inuu guddoomiyaha markaas oo kale kusoo dhaweeyo cod-baahiyaha.

Waxa arrinta sida dayaxa usii caddaatay markii Xoghaye Boobe laga waayey safarkii samo-wade la baxay ee guddoomiye Cirro iyo xubnaha jufadiisa u badan ee xisbiga katirsani ugu baxeen gobolka Togdheer iyo degmooyinkiisa, kaas oo loogu kuurgelayey diiwaangelinta gobolkaas ka socota iyo dhoolla-tus ka dhan ahaa hoggaanka Kulmiye oo iyagu halkaas dhawaan kasoo laabtay.

Xogaha aanu haynaa waxa ay intaas ku darayaan inuu Boobe iska diiday soo jeedimo ka yimi guddoomiye Cirro oo la doonayey inuu kaga mid noqdo Waftiga gobolka Togdheer loo diray, isagoo aan waliba sheegin wax cudur daar ah oo uu safarkaas kaga baaqsanayo, isla-markaana kor-ka-xaadiyey saluuggiisa oo aan wada saafin.

Khilaafka xisbiga Waddani dhexdiisa ka jira ayaa Bulshada dhexdeeda laga dareemay, waxana goobaha bulshadu ku kulanto iyo Baraha afkaarta la isku weydaarsadaba laga arkayey sida uu khilaafkani isagoo wajiyo kala duwan leh ugu faabay, waxana farta lagu fiiqayaa, isla-markaana loo arkaa mid xisbiga curyaamin karta oo aanu ka tallaabsan Karin casaabadda isku qoyska ah ee Guddoomiyaha cunaha kaga duuban, kuwaas oo udiiddan inuu qaato go’aan waafi ah oo uu xisbiga ku Badbaadin karo.

Hore  ayey xubno miisaan lahaa oo xisbiga ka tirsanaa  u dareereen iyagoo cabasho ka muujinaya sida uu xisbigu ugu xuubsiibtay Xisbi Qoys, isla-markaana uga sii baxayo shaashaddii xisbinimo, waxana la saadaalinayaa in Boobe Yuusuf iyo Xubno uu wataa dhawaan iclaamin doonaan inay Waddani iska hulleeleen.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews