berberatoday.com
Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon Gar Iyo Gar-Darro Midkee Baa Lagu Xidhay
January 25, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

…Mudaddii yarayd ee uu joogay Badhasaabku G/Togdheer in waxqabadkaagii ugu horeeyey noqday “Xadhiga Weriye Cabdimalik”…….waxayna tahay Maxkamadda G/Togdheer ay si cadaaladda ugu xaq-sooraan Weriyaha iyo Badhasaabka……

Ciidanka Amaanka Gobolka Togdheer ayaa todaabkii hore Xabsiga U taxaabay Wariye Cabdi-malik Muuse Coldoon Oo kamida Wariyayaasha loogu jecel-yahay ama Ka Hawl Gala Gobolka Togdheer.

Wariyahan ayaa sida la sheegay waxa xadhigiiisa Amray Badhsaabka Gobolka Togdheer Mudane Maxamed Ibraahin Aadan(Qabo), Waxaana Xadhiga wariyahan loo Sababaynayay sida uu cadeeyey weriye cabdimaalik  Riwaayad uu ka Sameeyey Badhasaabada iyo Taliyaasha Ciidamadda Somaliland , Weriyaha ayaa la sheegay inuu xadhigiisu arimahaasi daaran yahay iyo sababo badan oo arimaha siyaasada itoobiya la xidhiidha .siiba  Riwaayadaasi uu dhawaan duubay oo “Qaboo” ka  mid yahay iyo Walibana waraysi foodsaaro looga dhigtay xadhigiisa, uuna dhawaan la yeeshay Nin ka tirsan Qoomiyada Oromada itoobiya  oo lagu eedeyey inuu qashay gabadh Yar oo  Afar Jira.

Sidoo kalena Waxa Xadhiga wariye Coldoon ku Weheliya Camera Man-kiisa oo lagu magacaabo Diiriye, Weriye Coldoon ayaa la sheegay in gebi ahaanba Qalabkii uu ku hawl-geli jiray lagala wareegay ama laga qabtay.

Weriyaha da’da yar ee wararkiisa iyo barnaamijyadiisa aad  loo jeccel-yahay isla markaana aadka u dadaalka badan.  Waa weriye C/maalik Aw-Muuse Coldoon . ayaa gabi ahaanba iskaga tagay warbaahinta Somaliland gaar ahaan Tvga Qaranka ee Burco oo uu mudo hada ka tirsanaa kuna biiray tvgiisa ama mareegtiisa  gaarka (coldoon,com) iyo weriyaasha madabanaan iyo weliba magaalada Burco uu ku leeyahay Macadka sindibaad oo lagu arimaha luqadda carabiga iyo diintaba.

Wariye Cabdimalik Muuse Coldoon oo mudooyinkii dambe ka mid ahaa saxafiyeenta Somaliland  kuwooda loogu jecelyahay uguna xogogaalsan guud ahaan xaaladaha iyo waayaha umada Somaliland gaar ahaana G/Togdheer ayaa waxuu yeeshay tageerayaal badan oo gudde iyo debad leh, Wariye Coldoon oo warbaahinta kala duwan ee Somaliland  la soo shaqeeyay ayaa ku caanbaxay soo bandhigidii su, aalihii tv-yada muuqbaahiyaasha SomSat iyo Tv qaran oo aad loo jeclaa tageerayaal badana uu ku kasbaday   iyo dadka tabaalaysan si loo kaalmeeyana uu qaylaankiisu meel fog gaadhi jirey,.sidoo kale  Aug 2, 2015 Wariye Cabdimaalik Muse Coldoon Ayaa Madaxweynaha S/land waxuu Gudoonsiiyay Gabay Carabiya Oo cajiiba oo amaana uu ugu Tiriyay waxqabadkiisa balaadhan , waxuu kaloo gabay carabiya u tiriyey umadda reer falastiin ee dulman.

Weriye Coldoon ayaa caanimadiisa siiba arimaha samo-falada ee uu soo kordhiyay ka-sakow, hadana  marar kala duwana waxuu soo bandhigay Siyaasada  Ethiopia umada Somaliland ay ku hayso & sida aysan dadkeenu ugu baraarug-sanayn .isla-markaana ay siyaasiyiintuna ay umadooda u hoosaasinayaan, sida barnaamijkii الخضوع لإثيوبيا isudulaynta itoobiya iyo isticmaalka siyaasiyiinta S/land “Isticmaalka Magaca walaalahayaga itoobiya”.

Isagoo sheegay in uu la jecelyahay Laba wadan inay u sinadaan waajibaadka labada umadood iyo xukumadood, lakiin aanay noqon Somaliland mid iyada markasta farta loogu yeedhiyo waxii kolba laga doonayo.

1.    Waxaa ka mid ahaa sheekooyinkii uu umada u soo Ban-dhigay dameer dulamane iyo xaaladiisa caafimaad waxay ahayd:-

Sheeko indhaha caalamka soo jiidatay iyo dad badan dameer lug ka jabnaa dhowr toban casho iyo sheekaddii dulmiga aan la ogayn. Isla-markaana dameerka dhawr iyo tobon maalmood ku taagaa saddex lugood. Ayaa sababtiisa daryeel ku helay.

 2.    Waraysi maxbuus 10 sano ku xidhnaa jeelka burco kadibna  la sii daayey, markii uu weriye cabdimaalik bulshada u bandhigay in magta laga bixiyo

3.    Weriye cabdimaalik M Coldoon waxuu dhowr jeer gudoonsiyey dad waaeyn oo jilicsan lacago badan oo lagu soo kaalmeeyey.

4. warbaahinta Coldoon ayaa dhowr jeer booqatay hooyooyin iyo dadkaloo jilicsan ama duruuufo ku nool gaar ahaana nawaaxiga G/Togdheer.

5.    Waxuu filim ka sameeyey xadhiga xidigaha geeska.

6.    Barnaamij Waxbarashada itoobiya  ee ku soo badatay dalka sida jaamacadaha iyo qorshayaal ay ka leedahay Somaliland.

7.    Barnaamijkii Nolosha xabsiyda itoobiya iyo nimco mataan

habdhaqanka itoobiya ula dhaqanto soomaalida.

8.Barnaamijka Badalayaashu Ma Basaasiin Baa ? .

9. iyo kii ugu danbeeyey oo ahaa Eedaysane loo haysto inanyar oo la sheegay in uu cunay iyo qaar kaloo badan…

          Hadaba iyadoo wariye Coldoon uu markasta tooshka ku ifiyey arrimo kala duwan oo dareenka shacabka Somaliland soo jiitay , taasi ay keentay in la raadinaayey inuu shabaqa mar soo galo ,ayaa weriye Cabdimalik uu todabaadkii hore arin duleedka Burco ama tuulada Wadhan ka dhacday ama arin la-yaable noqotay oo ahayd in gabadh yar oo 4 jir ah lagu qashay deegaankaasi.

Dhacdada yaabka noqotay waxaa si aad ah wararkeeda u soo tabiyay wariye Coldoon oo dhinacyo kala duwan uga hawl galay soona bandhigay arrimo faro badan oo dhacaddaas ku gadaaman, waxaa gacanta lagu dhigay nin la sheegay in uu falkaas gaystay isla markaasna lagu tilmaamay in uu ka soo jeedo Ehiopia gaar ahaan uu u dhashay Qowmiyada Oromo.

Isku soo wada xooriyoo wariye Cabdimaalik wuxuu u bidhaamiyay arrimo aysan dad badan Somaliland ku dhiiran-waayeen sidaasna waxaa ugu samaysantay cadaawad ay u hayaan Ethiopianku  & inta la saaxiibka ah oo aan jeclayn in runta laga hadlo umada Somalilandna hurdo aysan ka soo toosin la doonaaysa, arrimaha uu Coldoon mudooyinkii dambe soo bandhigayay waxay abuureen dareen cusub taas oo ayna Ethiopia marnaba raali ka noqonaynin sidaas darteed dhib kasta oo weriyaha la soo darsa waxaa loo fasiran karaa in itoobiya ay ku lug ku leedahay.

 Hadaba Badhasaabka G/Togdheer “Qaboo” oo aan ahayn haayada garsoorka ayaa hadana shaaciyey,Warqad yarna ka akhriyey kiisas ama qodobo uu ku afgobaadsadey inuu Galay Weriye Coldoon oo uu todobaadkii hore Xabsiga Burco la dhigay, waxuu ku eedeeyey ilmo yar oo aan gaadhin ayuu wareystay , lakiin wareysiga ilmaha yar , ayaa waxaa goob-joog ka ahaa waalidkiisa gaar ahaana abihii oo isagu ogolaaday in la wareystooo sharcigeenu ogolyahay , waxaa kaloo uu eediisii kale u cuskaday Badhasaab “Qabo” in maxbuus xukun suge ah uu godkiisa ugu galay, kaas oo uu weriye cabdi-maalik uu ogolaansho ka helay maamulka jeelka burco , halka uu wareysiga ku qaaday ay ahayd xafiiska jeelka Burco dhexdiisa,  arintaasi oo aanu eedeeda yeelan-karin, madaama oo si ogolaansho ku wareystay eedaysanaha, sidii maxbuuskii xeefow ee hore ee uu jeelka Burco hore ugu wareystay.

 Hase yeeshee sheekada xadhiga weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon  waxay ku dhamaanaysaa in la iska xidhay,  iyadoo aan wax dembi ah lagu haysan isaga iyo saaxiibkii , taasina ay tahay gef iyo gar-darro loo geystay qof aan waxba galabsan, waxayna tahay Maxkamadda G/Togdheer ay si cadaaladda ugu xaq-sooraan weriyaha iyo Badhasaabka, halka keliya xadhigiisa laga fuliyeyna ay tahay  amarka badhasaabka, iyadoo badhasaabka lagu xanto inuu ka mid yahay xubnaha ugu fudud xukuumada Siilaanyo ,marka loo eego masuuliyada saaran iyo xasaasiyada G/Togdheer ama doorashooyinka inagu soo fool-leh iyo Mudaddii yarayd ee uu joogay Badhasaabku G/Togdheer in waxqabadkaagii ugu horeeyey noqday “Xadhiga Weriye Cabdimalik”

Maaha wax cusub in amarka badhasaabku bixiyey  xabsiga loogu taxaabo Suxufi ku gudo-jira hawshiisii Suxufinimo, iyadoo aan loo marin nidaamkii sharci ee xalaalaynayey xadhigiisa, isla markaana aanay markii hore maxkamadi amrin qabashadiisa , sida uu dhigayo Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Goleyaasha Sharci-dejintu ansixiyeen, isla markaana Madaxweynuhu saxeexay dhaqan-galkiisa sannadkii 2004. Hase yeeshee waxaa maqalka dadka iyo hab-dhaqanka masuuliyiinta Somaliland ku cusub in amarka xadhigga Suxufigan oo uu bixiyey Badhasaab ka tirsan xukuumadda Siilaanyo oo ah, kaasi ah Badhasaabka G/Togdheer  “Qaboo” oo shaaciyey,Warqad yarna ka akhriyey kiisas lagu eedeeynayey Cajiib!!!! iyo inuu Galay Weriye Coldoon oo uu todobaadkii hore Xabsiga Burco la dhigay, kaas oo ku andacoonaya in Suxufigani wareystay ilmo yar oo aan qaangaadhin iyo Maxbuus eedaysane oo godkiisii ku wareystay,  Ta isweydiinta leh yaa u sii daayey jeelka Weriye Cabdi-Maalik iyo Masuuliyada waxaa leh ninkii siidaayey

 Sifo sharci ma u maray wareysigii uu ilmaha yar ka qaaday madaama waalidkii goob-joog ahaa.

 Waxaase  gef iyo xaq-darro aan meesha qaban ah in Suxufigan Cabdimaalik ay xukuumaddu bartilmaameed uga dhigatay oo keliya itoobiya saxiib ayaan nahay maxaad u soo hadal-qaadaa mar kasta

 Ugu danbayn Weriye ama Macalin cabdi-maalik , intii u shaqeynaayey saxaafadda S/land  , waxaan qabaa in wararka iyo barnaamijyadda uu soo daayey u  eegayey  dhibaatadiisa xagga Akhlaaqda, iyo Diinta.manuu ahayn nooca ku sifoobay ama loo yaqaano “ Ku Shubo” ,  ee aan lahayn Mabda,  ama ujeeddo fog, kuwaasoo subaxii la quraacda  Mucaaradka, duhurkiina  Waxay ay la Qadeeyaan Xukuumadda , Waxaa ay La Casheeyaan dilaaliinta.

Weriye Cabdimaalik waa suxifiyiinta  ku sifoobay , aqoon-yahanimo sharaf leh, waxaa uu dadkiisa tusay in laysu samo falo , lagana fogaado xumaanta, ku takri falka Awoodaha, Cadaalad darrida, Eexda, Qabyaaladda, Nin jecleysiga, Saxaafaduna ay awood u yeeelato in ay la xisaabtamaan cidkastoo amaano umadda u haysa ,iyagoo  isticmaalaaya awoodda 4, aad ee xukuumadda oo ah Haayadda Warfaafinta, kooxdaasi sifahaasi sidata ama suxuyiinta ah ee weriye Cabdimalik ka mid yahay  waxaa loo geystaa markasta Hanjabaad , Cago-jugleyn , Dhac iyo Xabsi, marna lakiin Lama iibsan karo fikirkooda, ugu-danbeyn:  waxayna dunida ka tagaan noociisa oo kale ,  iyagoo xushmad iyo qadarin leh bulshada dhexdooda, isla-markaana maal iyo hanti adduun aan laga dhaxlin!!

.Maanta Cadaaladda S/land aad ayey u fiican-tahay , isla markaana shacabku  waxay u baahanyihiin in loogu adeego si cadaalad ku dhisan. Waxaana loo baahanyahay in ay runta iyo xaaladda shacabku uu ku sugan yahay aad loo fahmo ama waxii cadaalad daro keenaya la dareemo, una dhaqmaan garsoorku si ka tarjumeysa xaaladdeena oo cadaalad ku dhisan.
Wax kasta oo naga qarsoon Ilaaheey ayaa daalacanaya, mas’uul kastana kula xisaabtami doona xilka uu hayo iyo waxa ay ahayd in waxa uu qabtay uu hareer maray iyo sababta uu sidaa u yeelay.

 Anaguna Xadhigaa Weriye Cabdi-maalik Muuse Col-doon Waan cambaraynayaa” Haloo sii daayo xoriyadiisii”.

W/Q: Adan Yusuf Elmi

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews