berberatoday.com
Weeraraddii Gaadmada Ahaa, Go’aanka Xaglatoosiye, Diidmada Cali Khaliif, Kala Jabkii Odayaasha Buuhoodle Iyo Wararkii U Dambeeyay .
January 25, 2016 - Written by Berbera Today

Buuhoodle(Berberatoday.com)-Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa la sheegay inay jawaab adag ka bixiyeen weerar gaadmo ahaa oo ay ku soo qaadeen maleeshiyo hubaysan oo ka soo jeedda kooxda Khaatumo.

kh

 

 

 

 

 

 

Warar ay faafiyeen shabakadaha wararkqaarkood ayaa sheegay in weerarkaa gaadmada ahaa ee maleeshiyadaasi soo qaaday uu sababay dhimasho iyo dhaawac gaadhay raggii hubaysaa ee weerarka soo qaaday, isla markaana ay ciidanka qaranku fadhiyaan goobihii ay ku sugnaayeen markii la soo weeray. Dhanka kale shabakadaha taageera kooxdaa ayaa weriyay in maleeshiyada weerarka soo qaaday ay ka dhaawacmeen laba nin. U qaybsanaha arrimaha gudaha ee kooxdaa Kayse Cabdi Yuusuf ayaa laga soo xigtay, in dagaalkaasi ka dhacay duleedka kalabaydh, isla markaana sababta ay weerarka u qaadeen ay ahayd mid ay ku doonayeen in ay ciidanka Somaliland kaga kiciyaan fadhiisimo cusub oo ay ka samaysteen aaggagaa.

Hase yeeshee warar laga soo xigtay iloo kala duwan oo ku sugan Buuhoodle iyo aagga wax ka dhaceen ayaa tibaaxay in habeen hore iyo habeenkii ka sii horeeyayba ay maleeshiyada kooxda Khaatumo xili habeenimo ah weerareen fadhiisinka ciidanka qaranka ee Kalabaydh iyo Balicad, balse ay ciidanku iska caabiyeen oo dib u caydhiyeen, isla markaana xogahaaasi may sheegin khasaaraha, waxaana lagu tilmaamay inay ahaayeen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah. “Habeenkii jimcaha waxay nagu soo weerareen Kalabaydh, waanu iska caabinay, habeenkii sabtidana waxay weerareen Balicad iyo Widhwidh, labadaba waanu iska caabinay, ragna waa lagaga dilay, markaa anagu ciidan ahaan heegan baanu u nahay, wax dhibaato ahina xagayaga ma soo gaadhin.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah saraakiisha jiidda hore oo la hadlay wargeyska Ogaal. Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka xukuumadda Somaliland oo la xidhiidhaa weeraradaa gaadmada ah ee ciidanku iska waabiyay.

Weeraradan ayaa dhacay waqti uu Cali Khaliif Galaydh ku sugan yahay Buuhoodle, halkaas oo sidoo kale uu joogo wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglatoosiye oo halkaa u tegay arrimo la xidhiidha sidii deegaankaa looga moosi lahaa xasarad ka dhalata siyaasadda kooxda Khaatumo oo la tilmaamay inay doonayaan inay carqaladeeyaan diiwaangelinta si aanay uga dhicin deegaanaddaa. Wasiir Xaglatoosiye ayaa kulan uu la yeeshay odayaasha ku wargeliyay, in Cali Khaliif laga saaro magaaladda, isla markaana ay odayaashu dhankooda la qaateen inay gelayaan hawshaa. Hase yeeshee warar aan la xaqiijin oo ka soo yeedhay illo ku sugan Buuhoodle ayaa tibaaxay in Cali Khaliif diiday inuu ka baxo Buuhoodle, isla markaana uu ku doodday in aanay jirin sabab uu uga baxaa. Wararku waxay intaa ku dareen in odayaashu markaa kadib ku kala jabeen arrintaa. Dhanka kale weriye la socda weftiga Wasiirka ayaa warbixin kooban oo xaallada la xidhiidha ku faafiyay bartiisa facbuugga. Taasina waxay u dhignayd sidan; “Magaalada Buuhoodle ayaa hada u muuqata mid sansaan colaaddeed ka muuqato, kadib markii wasiirka caafimaadka somaliland Xaglotoosiye oo dadaal nabadeed ka waday ay u muu qato inay taasi soo afjarmayso, kadib markii xubno ka tirsan xukuumada somaliland iyo baarlamaanka oo ka soo horjeeda deegaanka Sool ay caqabad ku noqdeen sidii guul ay uga gaadhi lahayd dawlada somaliland oo uu wakiil uga yahay wasiirka caafimaadka xaglotoosiye, iyagoo ku xumaynaya guulaha wax ku oolka ah ee uu ka soo hooyay gobolka Buuhoodle. Geesta kale shalay subax waxa magaalada Buuhoodle shacabka ku dhaqani ay ka hortageen laba nin iyo caruur ay maskaxda ka xadeen oo ay doonayeen inay qas ku abuuraan kaas oo ay shacabku gacmahooda ula tageen, dabadeedna ku kala eryeen kana jajabiyeen sameecadii ay ku hadlayeen. waxa xusid mudan cutubyo ka tirsan ciidamada somalind oo uu hogaaminayo wasiirka caafimaadka inay diyaar garow xoogan ku jiraan, islamarkaana la filayo saacadaha soo socda inay talaabo ka qaadaan Cali Khaliif Galadh oo magaalada buuhoodle qalaaase ka wada, balse uuwasiirku ku dadaalay in uu si nabad galyo ah lagu xaliyo bixitaanka Cali khaliif balse hada ay meesha kasii baxayso.”

Dhanka kale warar sheegayay inay kulan toos ah yeesheen Xaglatoosiye iyo Cali Khaliif ayaa xubin weftiga wasiirka ka tirsani ku tilmaanay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana ku tilmaamay been abuur aan jirin.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews