berberatoday.com
Xildhibaan Axmed Gacan Oo Murashixiinta Xisbiyada Ugu Baaqay Inay Dadka Kasbadaan
January 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa ka hadlay loolanka Xisbiyada, waxaanu si gaar ah talo ugu soo jeediyey Musharixiinta, oo uu ugu baaqay inay si nadiif ah u tartamaan, soona bandhigaan barnaamijyo ay dadka ku kala kasbanayaan.

gacan

 

 

 

 

 

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka digay inay Doorashadu dib u dhacdo, waxaanu sheegay in mustaqbalka Somaliland ay ku jirto Doorashada oo wakhtigeeda ku qabsoonta, waxa kale oo uu ka hadlay Diiwaangelintii ka dhacday Gobolka Togdheer, safar uu ku tagay Deegaanadaas iyo qodobo kale, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Safar balaadhan buu ahaa, Xisbiga meesha maraayey, dadka Xisbiga aad bay u badnaayeen, Degmo walba wey lahaayeen, Gobol walba wey lahaayeen Xisbi aad u dhisan, oo qof walba jagadiisi iyo hawshiisi ayuu yahay,, waftigaasi Burcu ka ambabaxay, waxa uu sii maray oo uu tagay Qoriyaale, War-cimraan, Taalo-buur, Shaasha-cade, halkaas buu ka waramay, Bali-dhiig buu tagay, Dhoqoshay buu tagay, markaas buu Xuduudkii Galbeedka u soo leexday”.

Xildhibaan Axmed Gacan ayaa mar uu ka hadlaayey Burco iyo dadka dega ayaa yidhi “Gobolkii Burco waxa aan ku soo arkay dad is haysta, isku mid ah aan kala soocnayn,oo colaadi aanay jirin ee walaaltinimo, wax wada lahaanshiyo iyo deganaani ka dhexeeyaan, taas ILLAAHAY baan ugu mahadnaayaa, meelihi aan Degmooyinka ahayn todoba cisho ayaa lagu soo koobay, wey ku dadaashay Burco, waliba dad markii hore is dhigtay oo aad moodaysay inay ahaayeen dad ka qanacay inay Doorasho iyo Diiwanagelini dhacaan, laakiin wakhti dambe ayey hambabareen si wanaagsan oo nabadgalyo leh oo walaaltinimo leh ayey Diiwaangelintaasi u dhacday,tirade wax yar ha ahaato, balse Burco tijaabo ayey ahayd ee Burco tijaabadii wey ka baxday,nabadgalyo ayey uga soo baxday, dadaal ayey uga soo baxday, kalsoonina wey isku muujisay,waxaana Gobolada kale kula talinayaa Burco tijaabadii wey ka soo baxeen ee ku dayda”.

Dadku u talawsanaa sidii aan hore u sheegay, dadka waxa laga soo guraayey 180-km oo xuduudka ka sareeya, qaarba ka shisheeya, dadka jooga Danood ama meel ka shishaysa jooga ayaa dadka laga soo guraayey, dadkaasi isaga ayaa iskii ub shaqaysanaayey, xuduudka inta ka sukaysana cidla ayuu ahaa, Degmooyin dhan oo boqol qof aanu joogin ayaad arkaysaa”

Xildhibaan Axmed Gacan ayaa mar uu ka hadlaayey Musharixiinta ayaa yidhi “Ninka Musharaxa ahi waxa uu ku wanaagsan yahay inuu isagu dadka kasbado, Nin Siyaasi oo leh anigu Madaxweyne ayaan doonaya waa inuu kasbadaa dadka, Siillaanyo barigii dadka wuu kasbaday, si kastaba ha ku kasbadee, Musharixiinta maantana waxa laga doonaya nin kastaaba inuu dadka kasbado, Gobolku doono dadku ha ahaade, wixii ay ku balan qaadana waa inay rumeeyaan”.

Xildhibaan Axmed Gacan ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada waxa uu yidhi “Dalkeena waxa u dan ah oo mustaqbalka dalku ku xidhan yahay inay Doorasho xor ahi ka dhacdo”

Dhinaca kale waxa uu Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye u mahadnaqay Dhalinyaradii iyagu hawsha Diiwaangelinta gacanta ku hayey, waxaanu sheegay inay uga mahadnaqayo dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay dadka u diiwaangeliyeen,

 

 

 

Source:- Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews