berberatoday.com
Xuseen Xoog Oo Madaxweyne Siilanyo Utilmaamay Sida Musuqmaasuqa Loo Xakameeyo Oo Cilmi Kudhisan
January 25, 2016 - Written by Berbera Today

Madaxweyne: “Aan dunida ku tababarno sida fudud ee looga guulaysto musuqa.”
Qalinka:Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen-xoog)

Soomaalida badankeedu marka dhinac laga eego xaaraan culus uma taqaan boobka hanti la wada leeyahay, gaar ahaan ta dawladda. Waxaan is-leeyahay waxa u sabab ah dhaqankoodii hore oo aanay ku jirin xoolo la yidhaa ha la wada ilaashado dadkay ka dhexeeyaan e’; waxay se yaqaanneen xoolahaaga ilaasho. Waxaan sidaa u leeyahay had iyo jeer waxaad arkaysaa in inta badan bulshadu, inteeda u mudan gaar ahaan, ay madaxda dawladda ka codsanayaan in qof mushahar dawladeed qaata la geeyo meel wax laga lunsan karo, waxa kaloo aad arkaysaa iyaga oo hareeraha ka socda mid la wada og yahay in aanu beerrey reebayn oo xil qaran la doonaya.
Markii xilka-qaran la ii magacaabay ayaan u guuray guri fooq ah, waxaan u haystay in kirada guryaha Wasiirrada dawladdu bixiso, illeyn sidaaba ma aha e’ miisaaniyaddaba kuma jirto kiro guri, nasiib wanaagse waxaan shaqaysan jirey subaxa hore 5:30- 7:30. Waxan xasuustaa qof qaraabadayda ah oo inta uu gurigii cusbaa igu soo booqday igu yidhi waa in aad kaas oo kale ka dhisataa. Xumaantayda ma rabin qofkaasi isaga aragtidiisa, laakiin wuxuu is-lahaa taagga yaanay talo seegin. Markii xilka la iga qaadayna qaar baa lahaa waar bagaa la eryey is-na wax kama qabsan innagana wax inoogama qaban e’.
Had iyo jeer waxaad arkaysaa xafiisyada Wasiirrada oo la hor dhooban yahay, dadkaasi badidoodu waa shaxaad-tag, kama rabaan jeebka Wasiirka waxay se rabaan in lacag ama shidaal Wasaaraddaasi leedahay laga siiyo, waxaana u soo gudba xafiiska Wasiirka inta haybad iyo waji ay ku soo dhaafaan leh xog-haynta iyo askariga xafiisyada qaaarkood hor taagan. Arrintaasi waxay marar badan kelliftaa in Wasiirradu xafiisyadooda ka meeraystaan, halkaasna ay ka dhalato shaqo-xumo oo iyana ah qodob musuq-maasuqa ka mid ah. Madaxweyne Axmed Maxamuud laftiisa mar uu ahaa Wasiirka Maaliyadda ayaa maalin ii yeedhay waxaanu iga codsaday in aan wadnihiisa baadho. Markii aan u sheegay in uu wadnihiisu fiican yahayna, wuxu aniga iyo ninkii ii geeyey noo sheeegay in ay shakiga wadna-xanuunka ku abuurtay naxdinta subax walba joogtada ah ee ay sababto hor-fadhiga ay xafiiska u sii hor fadhiyaan dadka intii ugu mudnayd ee aad inankaaga curad siin lahayd oo markaa waxaan la tahli karin doonaya.
Dhinac kale markaana ka eego waxaan is-leeyahay in badan ayaa aamminsan in xilalka sare ee qaranku ay yihiin kuwo loo tago si hantida qaranka looga hodmo, dad badan oo bukaannada xidhiidhka ila leh ah ama dadka ehelkooda ah ee wadaa waxay igu yidhaahdaan shaqadaadan baa kaaga wanaagsan, waxaan dareemaa in ay igala xishoodeen iimaan la’aan baa ku haysee adoo shaqo xalaal ah oo kugu filan haysta maxaad u doonatay meel wax laga lunsanayo, dadka kale ee aan waxba hayn waaba loogu garaabayaaye. Dadka qaar waan isku dayaa in aan qanciyo, qaarna waxaan si gaaban u idhaa waa run. Fikradahaa qaldan ee aan kor ku soo sheegay waxay u baahan yihiin in bushadu dib isaga saxdo hadday rabto dawlad wanaagsan, waayo dawladdu dadka ayay ka timaaddaa.
Aan ku soo dhawaado ujeeddada maqaalkaygan oo ay igu dhalisay khudbaddii distuuriga ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo u jeediyey labada Gole- qaran 11/01/2016. Mar uu ka hadlayey eedaynta mucaaradku ku eedeeyo dawladdiisa musuqa, wuxu yidhi:
“Mudanayaal iyo Marwooyin, musuq-maasuqa iyo maamul-xumidu waa musiibooyinka ugu waaweyn ee ragaadiya horumarka, himilooyinka, hannaanka- dawladnimo ee qaran higsanayo. Sidaa darteed, xukuumaddaydu waxay dagaal adag oo joogto ah kula jirtaa sidii dalka looga dabar-goyn lahaa musaqa iyo maamul-xumida. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaridka, waxaan ka maqlaa, iyagoo maamulkayga ku eedaynaya arrimahaas. Waxaan aaminsanahay in hadaladdaasi yihiin dacaayado iyo deelqaaf cadaaladda ka durugsan, isla markaana aan xaqiiqo ku dhisnayn.”
Waa yahay, bal hadda aan dib inoogu yara celiyo khudbaddiisii ugu horraysay ee dastuuriga ahayd ee 2011kii. Wuxu yidhi, Madaxweynuhu:
“Mudanayaal iyo Marwooyin, waxan jecelahay in aan khudbaddayda maanta ku soo bandhigo muddadii gaabnayd ee aan xilka hayey caqabadihii xukuumaddaydu la kulantay, wixii u qabsoomay iyo waxyaabaha u qorshaysan in ay qabato sannadkan cusub ee 2011ka.

Duruufaha aanu dhaxalnay:
Hadaba, si aad u fahantaan arrimahan waxaan marka hore dul-mar kooban ku samaynayaa duruufaha adag ee maamulkayga la kawsaday:
Khasnad madhan oo ay dul hoganayaan deymo xad-dhaaf ah oo dhan 70 billyan oo shillinka Somaliland ah una dhiganta 12 million oo doollar. lacagtaas oo isugu jirtay:
• Afar bilood oo mushahar ah oo aanay shaqaaluhu qaadan,
• Kharash dowladeed sida: shidaal, dayac-tir, is-gaadhsiin, nal, biyo iwm oo aan la bixinin. Taas oo ay dheereyd lacagtii dalka u taallay Baanka Dhexe oo dhan in ku dhaw kow iyo toban bilyan oo shilin (Sl.Sh:10,916,443,202) iyo in ka badan laba milyan oo doollar ($2,002,864), oo la waayey. Duruufahaa adagi waxay shaqaalaha dhaxalsiiyeen in aanay shaqayn wax ka badan 3
saacadood maalintii. Waxa intaa dheeraa maamul-xumo, musuq-maasuq baahsan, kala-danbeyn la’aan ragaadisey habsami-u-socodka hawlaha Qaranka.
• Waxaanu dhaxalnay hantidii danta guud oo la xalaashaday. Haddaba si aannu wax uga qabanno maamul-xumadaa iyo musuq-maasuqaa baahsan, Hanti Dhawrka Qaranka waxaanu siinnay awood buuxda iyo madax-bannaani ay meel walba ku baadhi karaan. Sidaas oo kale waxaanu abuuray Guddida Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa oo iyana aanu awood buuxda siinay.”
Haddaba musuqaa iyo maamul-xumadaa uu Madaxweynuhu ku sheegay in uu dhaxlay khudbaddiisii dastuuriga ahayd ee koowaad isla markaana uu tilmaamay sidii uu wax uga qaban doono, Madaxweynuhu dib uguma soo hadal- qaadin, waxa uga qabsoomay iyo waxaan uga qabsoominba, khudbadihiisii dastuuriga ahaa ee 2012kii, 2013kii, 2014kii iyo 2015kii. Khudbaddan 2016ka qudheeda waxa soo hadal-qaadkiisa kelliftey madax-xanuunka hadallada mucaaridka ee ku wajahan musuqa. Sidaa darteed kol haddii aan la inoo sheegin wixii laga qabtay iyo la-dagaallanka musuqa inta xabsi u gashay ama ku xil- wayday, waxay u ekaanaysaa in musuqu noqday shaydaan la naaray markay dawladda Kulmiye timidba, waaryaadha waa nimanka, waxaasaa buurud ah! Oo maxay ahayd dabayshaa caafimaad ee inna martay? Hadda shaqaalaha iyo madaxdooduba waa kuwii hore u joogay ee malaa’iig lama keenin, waxa la beddelay uun waa Agaasimayaaashii Guud iyo Wasiirradii oo badankoodu ka ilka kulul kuwii hore, marka laga reebo in faro-ku-tiris ah oo xalaal ah oo aan dhigoodba la heli karin oo qaarna weli joogaan qaarna ka tegeen.
Hawl yar-yari! Ma sidaas dhibta yar ayaa dagaal musuq-maasuq looga guulaystaa? Oo dagaalka musuqu sanqadh yaraa! Hadday run tahay in sidaa fudud dawladdu ugu guulaysatay aafadan caalamiga ah ee haysata dunida horumartay iyo ta higsanaysaba, waxay ila tahay in aynu dunida ‘siminaar’ u furno illeyn guulaha la tijaabiyey waa la wadaagaaye.
Sideedaba, dagaaal adag oo noocan ah markaad gelayso wuxu u baahan yahay dagaal af iyo addinba ah, waxa la sameeyaa sharcigii qaban lahaa, waxa tababar la siiyaa cududdii hawshaa qaban lahayd, waxa ‘siminaarro’ loo furaa shaqaalaha dawladda iyo ciidammada oo dhan lagu war-gelinayo dagaalka qaran ee la rabo in la qaado, waxa la isugu yeedhaa culimada si ay uga hadlaaan ciqaabta musuqu leeyahay aakhiro, waxaana la hawl-geliyaa abwaannada iyo fannaaniinta si ay uga gabyaan ama uga heesaan. Bal u fiirso labadan tusaale:
1. Dawladdii ‘Kacaanku’ markii ay carcarteeda qabtay ee aanay weli jidka qalloocan raacin, waxyaalaha ay higsanaysey waxa ka mida ahaa la- dagaallanka musuq-maasuqa, murtidii abwaaniintu ka tiriyeen waxa ka mid ahaa hees caan ahayd oo ay wada qaadaan Cabdi Cali Baa-calwaan iyo Xareedo Ismaaciil (Duniyo). Haddaan xasuusto malaha maalin-dhaaf waa looga soo dayn jirey Radio Muqdisho, bal hadda midhaheeda ila dhuuxa:
Hawlaha arlada, Haddii lagugu aamino,
Ummadda u shaqeeyiyo, Adeegaa lagaa dhigoo,
Ha is-odhanin cidi kuma arkaysee, Ehelo sheego,
Ha is-odhanin cidi kuma arkaysee, Ina-adeerso,
Ha is-odhanin cidi kuma arkaysee, Aqallo jeexo,
Ha is-odhanin cidi kuma arkaysee, Afka buuxso,
Ha is-odhanin cidi kuma arkaysee, Shaqo ha aadin,
Ha is-odhanin kani kuma addeecee, Qalin ku aarso,
Ha is-odhanin kanaa kula-ujeedda ah, Awr u buuxi,
NIN XIL QAADAY EED QAADYEEY HOYAA
Waxa murtida ku dhan qaybihii kala duwanaa ee musuqa.
2. Isbeddelka la yidhaa dib-u-curashada ee dawlad- deegaanka Soomaalida Itoobiya ee maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa, wuxu dagaal af iyo addin ah ku qaaday musuqa, bal u fiirso mid ka mid ah murtida la yaabka leh ee wacyi-gelinta:
Wuxu musuq-maasuq yahay, Si aad uga maarsataan,
Macnuhu ha idiin dhacee, Ninkii moogow na maqal,
Mas’uuliyaddiyo xilkoo, Si kale loo maamuloo,
Bulshada lagu kala madhoon, Midnimo waxba loogu qaban,
Kanaa ma-huraan ah iyo, Maddaha eex loogu dhaco,
Ayuu musuq-maasuq yahay,
Ninkii maamula horumarkiyo, Maaraynta dan guud la rabay,
Mashaariic lagu dhisoo, Manaafiicsado shacbigu,
Haddana meel kale la mara, Ayaa musuq-maasaq galay,
Ninkii malafsiga bartow, Komishan baa maanta jira,
Middida soofaystayoo, Musuqa dabar-goynayoo,
Sharciga meel-marinayee,

Mareegtiyo dabinka xidhan, Is-moogaan hawgu dhicin,
Maah-maah baa waxay ahayd, Macal cune muuqan doonee,

Musuq-cune muuqan doonee,

Guri wada muraayada, Maalintii ad dhimatana,
Aan lagugu maydhayn, Oo maydkaaga laga raro, Musuq-maasuqaa dhala, Muddada shaqada u cayiman, Ninkii meeraysta ee, Adeeggii laga mudnaa, Maal iyo laaluush ku xidha,
Maan-gaabka xilkiisa gabay, Meeshuu doona iska mara,
Ayaa musuq-maasuq galay,
Elsiiyada lagu mushtaro, Magaaladii loogu qoray,
Maceeshadda kaan u geyn, Macaash wayn si uu u helo,
Ninkii meel kala la mara, Dadkana macaluul ku rida,
Ayaa musuq-maasuq galay,
Middiyo seedaha jariyo, Musbaar teetano ah iyo,
Mar waa mugdi lagu dhex lumo, Mar waa marad iyo xanuun,
Wuxuu minjo-xaabiyaa, Majarihii dawladnimo,
Masiibo colaad ah iyo, Mushkilad lays wada diloo,
Miciinku is wada qashoo, Lays magan gelin waayo iyo,
Dagaal macaluul ka taga, Midhkaasaa laga dhaxlaa musuqa,

Afkiinna caano lagu qabay kooxda Liyuu Band, waxaasaan dagaal u aqaan dee, heestaa ugu yaraan shan jeer waa laga saaraa toddobaadkiiba ESTV, dhammaan shirarka iyo tababarrada maamul toosinta ee uu qabto komishanka anshaxa iyo ka hortagga musuqa waa laga hor qaadaa. Komishankani dawlad-degaanku waa mid awooddiisu buuxdo oo ilka wax gooya leh waayo dawladdaa u aragta musuqa mushkilad dagaal ba’an ka mudan, go’aansatayna tir-tiriddiisa. Weli miyaa maqasheen gabay, hees ama wacdi diini ah oo si gaar ah u bar-tilmaameedsanaya musuqa oo ka baxaya radio Hargeysa iyo TVga qaranka? Midna ku darsoo abwaanka ama fannaanka ka heesa ama ka gabya waxaan dawladdu rabin kacaan- diid ayuu noqdaayo waaba la xidhaa, haddii la doono. Bal u fiirsada ololaha cashuur-ururinta miyaanay dhegihiinna ka badan heesta “bulshooy soo bixi cashuurta” oo xitaa radio iyo TV iska daayoo baabuurta mikirifoonno loo saarin iyo kuwa kale ee dhismaha waddooyinka dhiirri-geliya ee “Dhulkiina u hura waxaad haysaan, Ceeri-gaaabo u hura waxaad haysaan” iyo “ Taariikhdu qarin mayso ilahayna qadin maayo qabyatire dariiqeenna”. Hadal haamo lagama buuxshee sidaasaan dagaal sanqadh-tirasho lihi u dhicin, sidaa darteed musuq dawladdani lama dagaalamin haddaanay sida shaydaanka naarin.
Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisii koowaad ku sheegay inuu u adeegsanayo musuqaa baahsan ee uu dhaxlay hantidhawre awood leh iyo aasaasidda hay’adda maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Waa yahay, haddaba hanti-dhawrkii ma shaqeeyey? Immisa qof ayaa Maxakamad loo soo taagay xatooyo xoolo-dadwayne? Bal ila eega warbixin sannadeedkii gudoomiyah Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex ee 2015kii. Waa gobolka ugu dadka badan, dabcan uguna kiisaska badan. Waxay ka gar-qaadeen 1,491 kiis oo ciqaab ah sannadkii tegey, waxanay kala ahaayeen dil, isku-day dil, shil-baabuur, dhaawac culus, kufsi, tuugo, budh-cadnimo, khasaare maaliyadeed, abaabul-khiyaamo, dagaal laba saf ah, maandooriye, shilal gaadiid iyo xeerka nabadgelyada ee law number 51. Halkaa miyaa ku haysaan wax lunsi hanti-qaran ah?
Waxa timid hay’adda maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa, waxa lagu sameeyey ragaadin aanay tallaabo rogi karin, siduu xildhibaan Maxamed Cali Xirsi sheegayna waxaaba lagu soo koobay ilaalinta saacadaha shaqada iyo wax la mid ah.
Bal aynu wada eegno waraysi wargeyska Dawan 7dii September 2015 la yeeshay Guddoomiyaha hay’adda qaran ee Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka musuq-maasuqa macallinkaygii Al-ustaad Axmed Muxumed Madar:
Su’aal:
Muddada shanta sannadood ah ee ay hay’addiinnu jirtey, marka laga reebo in aad noqoteen hay’ad dawli ah oo cusub oo miisaaniyad leh, maxaa la taaban karaa oo aad waajibaadka la idiin abuuray ka qabateen?
Jawaab:
“Horta waajibka naloo abuuray , markii lagu dhawaaqay komishankan wuxuu ahaa in awooddeedana loo siiyo. Nasiib-darro awoodahaasi komishanku ma uu helin oo kama helin xagga Goleyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda. Markaa waxa wiiqay wax-qabadkayagii awoodahayagii aanu doonaynay in nala siiyo nalama siin. Haddaba iyada oo ay sidaas tahay kamaanu-niyad jabin ee wixii aanu ka qaban karayney maamulkaa qalloocday in aanu toosinno waanu u guntanay intii karaankayaga ah. Waxay ku soo ururtay awooddayadii in aanu warbixino ka diyaarino qaladaadka iyo dhalliilaha aanu arangnay oo aanu raacinnay wixii lagu toosin lahaa taasina waxanu u gudbinney ciddii noo igmatay. Hawshaa intii dhinacayaga ahayd annagu waanu qabannay wax nagaga soo noqdayna ma jiraan.”
Su’aal:
Xeerkii Hay’adda Maamul-wanaagga ee Golaha Wakiillada la hor keenay halkee ayuu ku danbeeyey?
Jawaab:” Xeerkaasi wuu dhammaaday waana la soo ansixiyay, waxaanu noqday xeer aan awoodo badan lahayn, markaa kii ayaanu ku shaynaynaa imika.”
Su’aal: ugu danbayn, waxaad sheegtay inay jiraan caqabado hortaagan in aad hawshiina sidii la rabay u gudataan, maxay yihiin carqaladahaasi?

Jawaab:
“Marka aan soo ururiyo caqabadda ugu weyni waa rabitaan siyaasadeed oo aan jirin, waayo rabitaanka ayaa wax walba ka horreeya, wixii in la doonayo oo ay ka go’an tahay xukuumadda in ay maamulkan qalloocan toosiso musuq-maasuqana la dagaalanto ayay tahay halkii laga bilaabayey. Markaas taas ayaan weli la go’aansan oo maqan, mar haddii ay taasi maqan tahayna awoodda aad ku shaqaynaysaa waa mid aan sidii loogu talo-galay u shaqaynayn.”
Dee faallaba ma leh, waanay iska caddahay in aan loo hagar-bixin musuq-maasuqii baahsanaa ee dawladdu dhaxashay, hadda weliba ku-darsoo waa ballanqaadyadii ay codka ku heshay ee ugu muhiimsanaa ee ku jirey buuggii cagaarnaa waxanu u dhignaa sidan:
Meel-marinta Xukun-wanaagga:
“Si uu u xaqiijiyo himilooyinka kor ku xusan, Xisbiga Kulmiye wuxuu meel-marinayaa mabaadiia xukun-wanaagga ee hoos ku qoran: wuxuu ka koobnaa 20 qodob aan ka soo qaadano labadan:
4. La-dagaallanka musuq-maasuqa, qaraaba kiilka iyo eexda:
11.Meel-marinta iyo horumarinta isla-xisaabtanka iyo xalliibnaanta (accountability and transparency);
Ka rogoo haddana saar, aan u nimaadno maalinta caalamiga ah ee la- dagaalanka musuq-maasuqa ee 9ka Diisambar, waa maalin dunidoo dhan laga xuso oo muujinaysa sida uu aafo caalami ah u yahay. Waxaan marag ka ahay in hay’adda Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka musuq-maasuqa ee Somaliland sannad walba xusto maalintaa caalamiga ah. Maalintaa xataa Ban ki-Moon ayaa ka hadlay oo ereyo dhaxal-gal ah ka yidhi, halkudhegna waxa looga dhigay sannadkan aan takoorno oo aan gooniyayno musuqa si aanu gacan-qabasho noocnaba u helin. Haddaba bahalka qaradaa iyo quwaddaa leh waxay ahayd in Madaxweynuhu ka hadlo oo yimaaddo xafladda isaga iyo raxantii dabo-yaaci jirteyba illeyn munaasabado ka liitaba way isu daba-yaacaan e’., haddii dawladdan dagaalka musuqu ka dhab yahay. Sannad kasta xafladdaa waxa yimaadda oo keliya Wasiirka Caddaaladda, Guddoomiyaha Maxakamadda Sare iyo Xeer-ilaaliyaha Guud.
Haddaba, kol haddii aan cidiba u-qalab-qaadan in lala dagaallamo aafadaa qaran sow markaa boobka hantida qaranku ma bannaana. Boobku wuxuu u kala xoog wayn yahay sida loo kala derejo sarreeyo, shaqaalaha hoose waa cashaa-wa-qado, shaqaalaha dhexena kii ay u suurto gashaa waa afar qol, Agaasimayaasha iyo Wasiirradana waa fooq, ‘Villa’ iyo lacago la kaydsado gudo ama dibed. Agaasimaha ama wixii u dhigma iyo Wasiirrada qurbo-joogga ahi way uga qaad wayn yihiin musuqa kuwa aan qurbo-joogga ahayn waayo gurigoodu waa halkay carruurtooda kaga yimaaddeen oo aynu malayn karno qiimaha uu ku kacayo, account-kooduna waa dibad. Raalli ahaada, hadda waxan ka hadlayaa ka na musuqa oo keliya, qolqol-joog iyo qurba-joogba illeyn waataan horeba u soo sheegay in ay qaranka weli u shaqeeyaan dad aan dhiggoodba la heli karin karti iyo daacadnimoba, haba tiro yaraadaan e’.
Saw isku dad ma nihin oo salli kuma wada fadhino? Ma wax baa inoo kala- qarsoon? Sow ninkii gudcur habeennimo farta taagay subaxii looguma yeedhin far-taag? Markaa nin waliba wuxuu inaga musuqay waynu haynaa ama waynu heli karnaa. Mas’uuliyiin badan oo sar-sare ayaa la caddaynayaa in ay gudo iyo dibadba guryo ka dhisteen ama ka iibsadeen. Dad is yidhaa difaaca ayaa ku dooda maxaa loo leeyahay hebel baa guri dhistay? Miyaaanu arsaaq lahayn? Miyaanu ehel wax tara lahayn? Dee mooyi! Miyuu horeba u yeesho? Bal xadiiskan saxeexa ah ila eega: Rasuulka (csw) ayaa nin u xil-saaray ka tirsan qabiilada ‘Azad’ oo Yaman ah in uu sekeda ka soo ururiyo markaasaa ninkii xoolihii keenay, waxanu yidhi badhkaasi waa sekadii badhkaana anaa leh oo hadiyad la ii siiyey. Markaas ayaa Rasuulku (csw) khudbad isu taagay, Ilaaahay ayuu u mahad-naqay oo ammaanay waxanu yidhi: nin idinka mid ah ayaan hawl u xil-saaraa ka mida hawlaha Eebbe ii igmaday, markaasuu odhanayaa intanna idinkaa leh muslimiineey intanna waa hadiyad la i siiyey, bal muu guriga aabbihii iyo hooyadii joogo in cidi hadiyad u keento hadduu run sheegayo, wallaahi ka idinka mida ee qaata xoolo aan xaqiisa ahayn in uu keeni kiiyoo tunka ku sida maalinta qiyaame. Xadiiska aan intaa ku soo gaabiyo.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu khudbaddiisii dastuuriga ahayd kaga hadlay qiimo-dhaca shilinkeenna, wuxuu u saaray Guddi, wuxu shir la qaatay Maayarrada iyo Badhasaabbada dalka oo uu kala hadlay sidii qiimo-dhacaas loo xakamayn lahaa; wuxuuna eedda wax ka saaray Zaad iyo e-dahab. Wuxu yidhi Gaarriye Ilaahay ha u naxariisto e’:
“Haddaad caqli leeday,
Inta aad caqli baadho,
Car suuqa-madoobi,
Cidduu yahay soo hel,
Ma Jeeblahan cawlan,
Ayaa curyaanshay,

Waxaan is-leeyahay, in kasta oo aanan dhaqaaleyahan ahayn, waxaa wax wayn ka tari lahaa iyada oo si dhab ah loola dagaallamo musuqa, waayo sida badan lacagta buuran ee la lunsado waxa lagu lunsadaa doollar ahaan kaas oo ama lacagta adag ee si uun ku soo gasha dalka sideeda lagu lunsado taas oo ilaalin lahayd baahida doollar ee suuqa ama lacagteenna oo si xad dhaaf ah suuqa loo soo geliyo si loogu beddesho doolarka la lunsanayo.
Haddaba musuqu waa ku danaysiga awoodda ama ugu danayn cid gaar ah wuxuu dhaawacaa hay’adaha dimuqraaddiga ah sida xisbiyada iyo in la helo doorasho xor iyo xalaal ah, wuxuu is-hor taagaa fulinta sharciga, wuxuu dhaawacaa xuquuqaha caamka ah ee aadamaha, wuxuu curyaamiyaa dhaqaalaha dalka, wuxuu abuuraa sicir-barar, wuxuu dhaawacaa nolosha bulshada, wuxuu suurto-geliyaa abuuritaanka dembiyo abaabulan iyo falal argaggixiso, deganaansho la’aan iyo qaran hagaasa ama dumaba, mana dhacdo in uu qaran gaadho horusocod iyo horumar dhab ah oo joogtaysan isagoon dagaal ku qaadin musuqa, weliba innaga oo kale oo aan dhaqaale buuran lahayn, deeq iyo dayn toos ahina inagu yar tahay ictiraaf-la’aanta awgii. Waxay ahayd in uu noqdo musuqu cadawga inoogu weyn ee aynu leenahay qaran ahaan iyo mushkiladda ugu wayn ee xal u baahan ee xitaa ka horraysa ta ictiraaf-la’aanta si aynu u ilaashanno lacagta ka soo baxda cashuurta muwaaddiniinta oo ah hantida qudh ah ee aynu isku hubno qaran ahaan. Haddaba dawladeey, xisbiyoow, ururroow, shiciboow, saxaafadeey waa in aynu u aragnaa in uu masiibada ugu wayn yahay musuqu qaran ahaan, kana wada fikirnaa dabar-goyntiisa. Waxan is-leeyahay wuxuun baa lagaga hor tegi karaa cudud midaysan, habaysan oo abaabulan oo aan loo kala hadhin dawlad, xisbiyo, ururro, bulshada madaniga ah iyo warbaahinba iyada oo dib loo eegayo agabka iyo cududda aynu u haysanno la-dagaalanka musuqa, taasina ma suurto-gelayso haddii aanu jirin rabitaanka dawladda markaa talada haysaa.

Dhammaad
Dr. Hussein muhumed Mohamed
drxoog123@outlook.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews