berberatoday.com
Ruug Cadaa Saxafi Cabdi Xaaji Goobdoon Maxaa Tariikhdiisa ka Taqaan Allaha u Naxariistee ”” Yuusuf Garaad””’
January 26, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Cabdi Xaaji Gobdon oo xalay ku geeriyooday Muqdisho, Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Macallin sannadihii kontomaadkii inta aanuu ku biirin Radio Muqdisho billowgii lixdanaadkii.

Cabdi Xaaji Gobdon wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta markii aan anigu ku biiray Radio Muqdisho horraantii siddeetanaadkii. Waxaan ka dib ka warhelay in uu dabayaaqadii kontonaadkii Macallin ka noqday Dugsiga Leegada, ka dibna Golweyn, inta aanuu horraantii lixdamaadkii ku biirin Radio Muqdisho. Horraantii lixdanaadkii iyo mar kale dabayaaqadii lixdaamaadkii wuxuu ka shaqeeyay Laanta Af Soomaaliga ee Radio Moscow.

Waxaan xusuustaa yaraanteydii aflaam Ruushku dhigi jiray oo af Soomaali ku codeysnaa in qaarkood codka ku duubani uu ahaa kan Cabdi Xaaji Gobdon.

Waan ogaa inta aanuu noqon Agaasime Guud in uu ahaa weriyaha Gaarka ah ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Warfaafinta ka dib waxaa uu noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga.

Cabdi Xaaji Gobdon, Allah ha u naxariistee, wuxuu ahaa weriye cod hallaasi ah leh, aadna u af Soomaali wanaagsan. Markii aan ahaa arday soo koraya isaga iyo Yaasin Xaaji Ismaaciil Jirde waxay ka mid ahaayeen weriyayaal aan ka kororsado eryada af Soomaaliga ah gaar ahaan kuwa siyaasadda, dhaqaalaha iyo militeriga.

Gobdon shakhsiyaddiisa waxaan bartay ka dib markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya. Waxaan u arkay in uu yahay nin Dowlad ku nool ah, dadkana aan iskala weyneyn siiba dhallinyarada.

Waxaa kale oo aan u arkay nin ku kalsoon mihnaddiisa, xoog furan, jecel in aqoonta laga dhaxlo oo uu u gudbiyo jiilka isaga ka da’da yar. Isaguna ma ahayn nin ay da’du ka hor istaagto aqoon kororsiga siiba xagga la qabsiga teknoolojiga cusub. Wuxuu adeegsan jiray talefoonka caaqilka ah iyo iPad wuxuuna qoraal iyo sawirro ku soo bandhigi jiray saxaafadda bulshada.

Gobdon wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii badbaadiyay keydka cajaladaha ee Radio Muqdisho sannadihii faraha badnaa ee laba ama ka badan kooxood ama dowladood ay ka dagaallamayeen Muqdisho.


Cabdi Xaaji Gobdoon wuxuu qoray buug ku saabsan aabbihiis iyo culummo kale oo Soomaaliyeed.

Wuxuu la soo shaqeeyay Dowlad kasta oo dalka ka curatay xataa xilliga burburka marna wuxuu ahaa la Taliye ama Af hayeen Madaxweyne, Ra’iisal Wasaare ama Wasaaradda Warfaafinta.

2002 waxaan Djibouti uga wadaqeybgalnay 3 usbuuc oo la isu keenay qorayaal, weriyayaal, abwaanno iyo xeel dheerayaal cilmi afeedka yaqaan. Waxaan dadkaas ka mid ahaa Hadraawi, Gaarriye, Aw Jaamac Cumar Ciise, Cabdiqeys, Yamyam, Idaajaa, Xasan Cilmi, Ismaaciil Dugsiiye, Riiraash, Cabdi Xaaji Gobdoon, Axmed Cali Askar, Axmed Xasan Cawke, Siciid Faarax Yare, Cali Seenyo iyo aqoonyahanno badan oo reer Djibouti ah. Waxaan halkaa ka soo saarnay qaamuus ay ku kooban yihiin eraybixinta ay warbaahintu u baahan tahay si ay wararka ugu adeegsato. Qaar badan oo mid ah khubaradaasi wey dhinteen ee Allah ha u naxariisto.

Howlihii ugu dambeeyay ee aan aniga iyo Gobdon ka wadashaqeynay waxaa ka mid ahaa xeerka saxaafadda oo aan talo bixin ku lahayn. Iyo qaban qaabada xuska maalinta Afka Soomaaliga 2015 iyo talo ka bixinta howlaha ay tahay in la qabto si afka loo horumariyo iyo cidda ay tahay in ay qabato howshaas ka dib markii ay Madaxtooyadu na weydiisatay in koox kale oo aqoonyahanno ah aan kala shaqeyno.

Cabdi wuxuu ugu weynaa dhowr walaalo ah oo Jaamiciyiin u badan oo ka shaqeeya Warfaafinta Qaranka, Radio iyo TV. Aabbahoodna sidoo kale wuxuu ka tirsanaa idaacadda oo uu wacdi diini ah ka soo jeedin jiray. Sidaa darteed wuxuu ka soo jeedaa qoys diineed, isaguna waxaa uu ahaa nin aan ku tilmaami karo Suufi ku dhow Ahlu Sunna wal Jameeca.

Saaka aroortii markii geeridiisa la ii sheegay, waxaan goostay in aan soo bandhigo sawirro dhowr ah oo aan ka soo guuriyay bartiisa Facebook, oo aan is leeyahay waxay ra’yi ka bixin karaan taariikhdiisa.

Sawirrada waxaa la socda fasiraadda uu qaarkood Gobdon ka bixiyay oo sidii uu isagu u qoray ah oo aan soo minguuriyay marka laga reebo saxitaan ama habayn aad u yar oo aan ku sameeyay. Fasiraadda farta waaweyn ee tan le’eg waxaa qoray Cabdi Xaaji Gobdon. Fasiraadda farta yaryar ee sawirka ku hoos taallana aniga ayaa qoray.

Cabdi Xaaji Gobdon marka taariikhdiisa laga hadlo, waxaa laga dheehan karaa taariikhda warbaahinta Soomaaliya iyo heerarka ay soo martay iyo weliba heerarka uu soo maray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Gobdoon

Waa xaafiis aan ku lahaa Madaxtooyadda Soomaaliya, waana waqtigii aan ahaa waryihii gaarka ah ee Madaxweeyne Maxamed Siyad Barre. Taariikhdu waa 1974.

Waa Madaxweyne Maxamed Siyad Barre iyo Gudoomiyihii Ururka Dhalinyarada aduunka ee nabada jecel iyo aniga oo wakhtigaas ahaa waryaha gaarka ah ee Jaalle Siyaad Barre. Taariikhdu Keydka Gobdon 6 - Siyaad iyo Gud. Dhall. Ad nabadda jecel 1971waa 1975.

Waqtigaan waxaan wareeysi ka qaadaayay Madaxweyne Maxamed Siyad Barre oo uu wehliyo xoghayihii guud ee Midoowga Afrika. Sawirkaan waxa uu ahaa 1976 goobtuna waa Addis Ababa.Keydka Gobdon 9 - Addis Ababa 1976

Sawirkaan waa shirkii Madaxweeynayaasha Dowladaha Islaamka ee lagu qabtay Xaramka. Taariikhdu waa 1978.Keydka Gobdon 4 - Xaramka

Waa xarunta VOA ee dalka USA. Waqtigaan waxaan ka codsanaayay madaxda VOA in la sameeyo Laanta Af Soomaaliga ee VOA, aniga oo xiligaas ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta. Taariikhdu waa1983.Keydka Gobdon 8 - VOA Washington 1983

 

 

 

 

Yuusuf Garaad ayaa Faaladan Qoray oo aan ka soo Xiganay

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews