Wasiir Xagla Toosiye Oo Weli Buuhoodle Ku Sugan, Jawiga Magaalada Iyo Wixii U Qabsoomay Oo Warbaahinta Uga Waramay W
January 26, 2016 - Written by Berbera Today
Buuhodle(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye oo weli ku gudo jira socdaalkiisii hawleed ee uu ku joogay Magaalada Buuhoodle ayaa ka warbixiyey halka ay u marayaan hwlihii kala duwanaa ee uu halkaa u joogay.
Dr saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka waxa uu ugu horayn tafaasiil ka bixiyey halka ay marayso hawshii nabadgelyo ee ugu muhiimsanayd socdaalkiisa shaqo, waxana uu yidhi sidan: ‘’Hawlihii nabadgelyo ee aan halkan u joogay meel wacan bay marayaan, dadkiina si wacan bay hawshaa uga shaqaynayaan haday tahay sidii nabadgelyada loo adkayn lahaa iyo hadii ay tahay sidii ay uga hortegi lahaayeen shaqsiyaadka Somaliya ka yimid ee doonaya inay halkan colaad ka huriyaan oo nabadgelyada deegaanka qasaan, markaa dadku aad bay uga shaqaynayaan arintaa, dhakhso inay natiijo u yeelatana waa rajaynaynaa’’