berberatoday.com
“SSC Xaglo-Toosiye Ayaa Madax U Ahaan Jirey, Haatanna Waa Wasiir Somaliland Ka Tirsan, Taasina Waxa Ay Caddaynaysaa Inaanu Jirin…..”
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

“Aniga Iyo Cali Khaliif Galleydh  Waxa Aanu Ku Kulannay Guriga Ra’iisal Wasaaraha [Soomaaliya], Laakiin…..”

Tiraab Ka Marag Kacday Rabitaanka Masiiriga Ah ee  Buuhoodle Oo Hoggaamiyeha Maamul-gobolleedka Puntland  Ugu Quus-gooyey Madaalaha Qorga Dabka Leh Kula Wareegaya Bariga SomalilandGAAS-IYO-GALAYDH

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ka hadlay xasaradda uu dagaal ooge Cali Khaliif ka wado deegaanada gobolka Buuhoodle, waxana uu tilmaamay inuu khilaafsan yahay, isla-markaana marin habaabinayo rabitaanka shacabka deegaankaas ku nool.

Madaxweyne Cabdiweli oo la hadlay midka mid ah tellefishannada Soomaalida ee ka hawlgala deegaannada uu ka arrimiyo, ayaa si cad u sheegay xaaladaha uu Horjooge Cali Khaliif deegaanadaas ka wado iyo aragtida shacabku si weyn u kala duwan yihiin.

Cabdiweli Gaas  isagoo ka hadlaya arrinta Buuhoodle waxa uu si gaar ah u carrabaabay wasiirka caafimaadka Somaliland Md Xaglo-toosiye, waxaana uu tilmaamay in wasiirnimadiisu markhaati ka tahay rabitaanka shacabkaas, “SSC Xaglo-toosiye ayaa madax u ahaan jirey, haatanna waa wasiir Somaliland katirsan, taasina waxa ay caddaynaysaa inaanu jirin rabitaan shacab oo Cali Khaliif arrintiisa cadaynaysaa.” ayuu yidhi madaxweyne Cabdiweli Gaas.  Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa meesha ka saaray haba yaraatee wax wada-hadal ah oo uu Muqdisho kula yeeshay horjooge Cali Khaliif, waxana uu yidhi, “Cali Khaliif Waxanu Ku Kulanay Guriga Ra’isal Wasaaraha, Laakiin Wax Wada-Hadal Ah Iyo Gorgortan Rasmi Ah Oo Na Dhexmaray Midna Ma Jiraan.”

Hadalkan kasoo yeedhay Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa markhaati u noqonaya jiritaanka colaadaha iyo xaalad abuurka uu horjooge Cali Khaliif ka wado deegaanada gobolka Buuhoodle, iyadoo ay ciidamada Somaliland oo rabitaanka shacabka ku shaqaynayaa haatan dul joogaan Magaalada Buuhoodle oo uu horjoogahani ku sugan yahay.xaglotoosiye

Geesta kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye oo weli ku gudo jira socdaalkiisii hawleed ee uu ku joogay Magaalada Buuhoodle ayaa ka warbixiyey halka ay u marayaan hwlihii kala duwanaa ee uu halkaa u joogay. Dr saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka waxa uu ugu horayn tafaasiil ka bixiyey halka ay marayso hawshii nabadgelyo ee ugu muhiimsanayd socdaalkiisa shaqo, waxana uu yidhi “Hawlihii nabadgelyo ee aan halkan u joogay meel wacan bay marayaan, dadkiina si wacan bay hawshaa uga shaqaynayaan haday tahay sidii nabadgelyada loo adkayn lahaa iyo hadii ay tahay sidii ay uga hortegi lahaayeen shaqsiyaadka Somaliya ka yimid ee doonaya inay halkan colaad ka huriyaan oo nabadgelyada deegaanka qasaan, markaa dadku aad bay uga shaqaynayaan arintaa, dhakhso inay natiijo u yeelatana waa rajaynaynaa.’’ Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay natiijada waanwaantii nabadeed ee ku aaddanayd in ay hab nabadgelyo kaga baxaan Magaalada Buuhoodle Nabad diidka Cali Khaliif iyo xubno la socda oo ka tirsan Baarlamaanka dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya oo iyagu muddooyinkii u dambeeyey xaalad colaadeed iyo farogelin qaawan oo cadaawadi ku dheehan tahay ka waday deegaano ka tirsan Gobolkaasi Buuhoodle. Waxana Wasiirka oo arintaa ka hadlaya uu yidhi: “Odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle aad iyo aad bay u dedaalayaan meel wacan bay u maraysaa, sidii ninkaa fidmowalaha ah (Cali Khaliif) loogu tirtirsiin lahaa inuu ka baxo Gobolkaa iyo guud ahaanba Somaliland dhakhso inay wax ka gaadhaan baan rajaynayaa.” Dr Saleebaan Xaglo-Toosiye waxa uu caddeeyey mowqifka Dawlada Somaliland ee ku aaddan nabadgelyada Buuhoodle, waxana hadaladiisii ka mid ahaa: “Somaliland waxa ka go’an in deegaanka Buuhoodle aan wax colaad ah oo dambe ka dhicin, Somaliland waxa ka go’an in cid doonaysa inay Deegaanadan dagaal ka huriso aan laga ogolaan, anaga iyo odayaashana wadashaqayn baa naga dhaxaysa, deegaankanina muddo ayuu colaad iyo mugdi ku jiray, markaa Somaliland waxay Go’aansatay in dhibaatadaasi aanay dib u soo cusboonaan, lagana ilaaliyo oo laga hortago shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh ee taa doonaya.” Intii uu wasiirku Warbixinta jeedinayey waxa uu baaq ku aaddan adkaynta nabadgelyada u diray dadweynaha deegaanka Buuhoodle, waxaanu yidhi “Dadweynaha Reer Buuhoodle waa bulsho colaado ka soo daalay, waxaan u soo jeedinayaa in aanay u ogolaan in shaqsi dan gaar ah wata aanu colaad iyo dhib u soo jiidin, waxa aan kula talinayaa inay nabad iyo horumar ku fikeraan oo hadafkooda ka dhigtaan, kulligoodna ka wada shaqeeyaan inay nabadooda ilaashadaan.’’ Dhanka kalena wasiirka caafimaadku waxa uu xusay dib u habayn lagu wado cisbitaalka guud ee Magaalada Buuhoodle oo muddo dheer aan shaqaynin waxa uu yidhi “Cisbitaalka waxa aanu ka wadnaa dib u habayn, waxa aanu diyaarinaynaa wasaarad ahaan in Cisbitaalka guud ee Buuhoodle dib loo furo oo dhakhaatiirtii iyo adeegyadii caafimaad loo dhammaystiro, waana ku gudo jirnaa hawshaa, insha allaah waxaan rajaynaynaa in wakhti yar oo gaaban Cisbitaalkaa lagu shaqo geliyo, dadkuna ay ka maarmaan adeegyada caafimaad ee y safarada dhaadheer u gelayaan, Dhakhaatiirtii iyo qalabkiina waa diyaar, markaa cisbitaalkaa waxa aan rajaynayaa in uu dhowaan furmo.” Sida la ogyahay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka JSL ayaa ku sugan gudaha Magaalada Buuhoodle, halka ay cutubyo kalena saldhigyo ka yagleesheen sadexda jiho ee Galbeedka, waqooyiga iyo bariga Buuhoodle, xilli jihada afraad oo ah ta koonfureed-na ay kaga beegan tahay xuduuda Itoobiya.

 
Berberatoday.com/Berberatoday.net
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews