berberatoday.com
Baarlamaanka Ingiriiska Oo Fadhi Uu Goob Joog Ka Ahaa Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Cameron Kaga Dooday Qadiyada Somaliland Iyo Dib U Dhaca Doorashooyinka
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska ayaa Isniintii 25 January 2016, waxa lagaga dooday qaddiyada madaxbanaanida Somaliland, doorashooyinka dib u dhacay iyo arrimo kale oo khuseeya Somaliland.

111111111111130.jpg

Doodda Somaliland waxa golaha hordhigay oo bilaabay xildhibaan Stephen Doughty oo laga soo doorto Cardiff South iyo Penarth oo ay dadka reer Somaliland oo badani degenyihiin kuwaas oo uu codkooda ku fadhiyo, waxaana goob joog ka ahaa wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Ingiriiska ee horumarka caalamiga ah Mr. Desmond Swayne

Xildhibaan Stephen Doughty ayaa doodiisa ku bilaabay “Waxaan jecelahay inaan ka hadlo Somaliland oo ay dad badani ogyihiin sida ay xidhiidhka ula leeyihiin qaar badan oo ka mdi ah dadka

 

I soo doortay. Cardiff iyo Penarth waxa ay xidhiidh dhaqan la leeyihiin reer Somaliland iyo bulshada Somaliland. Marka labaad waxaan doonayaa inaan ka hadlo xidhiidhka amni iyo dhaqaale ee deegaanadan iyo meelo kale oo badhtamaha iyo bariga Afrika ah iyo doorka muhiimka ah ee uu Ingiriisku ka qaadanayo inuu u jawaabo. Marka saddexaad waxaan doonayaa inaan ka hadlo doorka ay bulshada Welishku ka qaataan horumarka gobaladaas. Xildhibaano badan waxay ogyihiin inaan muddo dheer taageere u ahaa aqoonsiga Somaliland iyo dadka Somaliland. Waa ahmiyada ugu weyn ee dadka reer Somaliland. Somaliland waxay samaysay afti arrintaas [doonista ictiraafka] si cad u cadaysay. Waa taariikh dheer oo adag oo soo taagnayd ilaa sannadkii 1960, markii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay Ingiriiska ee ay inta kale ee Somaliyana xorriyadooda qaadatay oo ay xaqiiqdii ku midoobeen hal wadan.”

Wuxuu xildhibaanku ka waramay dhibaatoyinkii ka dhex dhacay Somaliland iyo Somaliya intii ay midnimadii fashilantay jirtay, wuxuuse sheegay in maanta ay Somaliland tahay dawlad gaar u madaxbanaan oo weliba ilaalisa muwaadinteeda, isagoo xusay inay Somaliland ka tisqaaday siyaasadda nidaamka xisbiyada badan oo aan ka jirin meelo badan oo ka tirsan qaaradda Afrika, “Waxaan ammaanayaa dawladda Somaliland shaqada ay sannadaha badan soo qabatay, gaar ahaan intan u dambaysay. Bilihii u dambeeyay waxa jiray horumar togan, sannadkii horena waxaan goob joog ka ahayn shirkii maalgashiga iyo ganacsiga Somaliland oo ay taageertay dawladda Ingiriisku.” ayuu yidhi, isagoo intaas raaciyay in shirkaas ay ka muuqatay sida ay ganacsato badani u danaynayso maalgashiga Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay in qaar ka tirsan qurbe jooga Somaliland ee Ingiriiska degeni ay ka qayb qaataan arrimaha bulshada ee ka jira Somaliland. Wuxuu sheegay in goleyaasha deegaanada ee Cardiff, Sheffield iyo degmada Tower hamlet ee London ay aqoonsadeen Somaliland, taas oo ku timid xidhiidhka taariikhiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska.

Xildhibaan Stephen Doughty, wuxuu sheegay inay jiraan khataro u muuqda oo dhaawici kara Somaliland, kuwaas oo ay ugu weynyihiin nabadgelyo  darada ka jirta gobalka Geeska Afrika, sida kooxda Al-Shabaab, wuxuuse ammaanay doorka ay dawladda Ingiriisku kaga jirto caawinta ammaanka Somaliland gaar ahaan tababar ay ciidamada badda ee Royal Marines siiyeen dhigooda badda ee Somaliland.

Xildhibaan Stephen Doughty oo abaaraya wasiirka kulanka joogay ayaa yidhi “Waxa jira laba mawduuc oo muhiim ah oo aan xiisanayo inaan ka maqlo wasiirka. Ugu horayn, doorashooyinka Somaliland dib ayay u dhaceen ilaa sannadka dambe.  Maaha wax caadi ka ah Somaliland, laakiin waxa muhiim ah inay doorashooyinku sii socdaan oo aynu sii wadno geedi socodka dimuqraadiyadda iyo damaanad qaadka in dadka reer Somaliland ay helaan doorasho dimuqraadi ah oo ay ku doortaan dawladooda msutaqbalka. Waxaan dawladda ka ogaaday maalmahan u dambeeyay in hawsha muhiimka ah ee diiwaangelintu ay bilaabantay, waxaanse aad u xiisaynayaa inaan wasiirka ka ogaado dareenkiisa waxa ay bulshada caalamku samayn karto si ay u damaanad qaado in diiwaangelintu socoto iyo inaynu hayno jidkii muhiimka u ahaa doorashooyinka madaxtooyaada iyo baarlamaanka iyo waxa aynu samayn karno si aynu ugu kuur galno una hubino in hawsha doorashooyinku socoto.” Sidaas ayuu doodiisa ku soo xidhay Xildhibaan Stephen Doughty.

Laakiin xildhibaan kale oo madasha fadhiyay oo la yidhaahdo Andrew Mitchell, ayaa isna doodda u baxay, waxaanu yidhi “Dabcan waxa Somaliland ka dhacay doorashooyin muddooyinkii dambe kuwaas oo ay si isugu dhow dhawr kun oo cod ku kala heleen labadii murashax islamarkaana awoodii lagu wareejiyayay si nabadgelyo ah oo suuban. Sidaas daraadeed waxaan filayaa in xildhibaanka saaxiibkay ahi uu doonayo inuu cadeeyo in ciladan hadda taagani [dib u dhaca doorashada] aanay heer tixglein mudan sumcada ka dilayn doorashoyinka Somaliland.

Xildhibaan Stephen Doughty ayaa hadalka ku soo noqday, isagoo xoojinaya doodda saaxiibkii, waxaanu yidhi “Xildhibaanka sharafta lihi oo wax badan ka og mawduucan, wuxuu tilmaamay qodob muhiim oo dhammaanteen inta danaysa Somaliland ay doonayaan inay arkaan in horumarkii iyo degenaanshihii uu sii socdo. Waxay leedahay muuqaal siyaasiya iyo xisbiyo siyaasadeed oo muuqda. Waxaan la kulmay wakiilo ka socda xisbiyada kala duwan toddobaadyadii u dambeeyay waxaanay dhammaantood doonayaan in hore loo socdo. Waa inaan ka ciyaarnaa door kasta oo ay ahaataba inaynu damaanad qaadi karno in diiwaangelinta iyo doorashooyoinku sii socdaan.

Ugu dambayn waxaan doonayaa inaan si kooban u taabto wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo lagu qabtay taageerada dawladda Turkiga. Waxa jiray wada hadalo kala duwan oo Turkiga ka dhacay oo u dhexeeyay wakiilo ka kala socday dawladda Somaliya iyo dawladda Somaliland sannadkii 2014, waxaana jiray xidhiidho kala duwan oo ahaa talaabooyinka kalsoonida lagu dhisayo iyo arrimaha waaqiciga ah ee la eegi karo marka laga hadlayo arrimaha duulista hawada iyo iskgaadhsiinta iyo wixii la mid ah.

Si kastaba ha ahaate, waxa jiray dib u dhacyo ku yimid wada hadaladaas, waxaanan xiisaynayaa inaan ogaado aragtida dawladda ee heerka wada hadalada iyo inay u arkaan wada hadaladaas wax qiimo leh, haddii aanay ahayna si kale oo kalsoonida lagu abuuri karaa ma ka dhex dhici kartaa[Somaliland iyo Somaliya] iyadoo laga duulayo  aragtidooda  aadka u kala duwan si loo dhiirigeliyo xidiidhka labada dal

Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee waaxda horumarka caalamiga ah Mr. Desmond Swayne ayaa ka jawaabay doodda iyo su’aalaha xildhibaan Stephen Doughty, waxaanu yidhi “Saaxiibka xildhibaanka ah ee laga soo doorto Cardiff South iyo Penarth Mr. Stephen Doughty wuxuu si cad uga hadlay Somaliland. Waxa soo jiidasho leh inuu taageersanyahay ictiraafka. Somaliland waxay hore uga mid ahayd maxmiyadii Ingiriiska. Wuxuu yidhi waa waaqici; imikaba waa gobal gaar u taagan, dimuqraadi ah, talo wadaag leh oo xasiloon oo ku dhex yaala dalka gudcurka ku jira ee Somaliya. Somaliland waxay horumaro badan ka samaysay dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, waxaanay samaysay horumar balaadhan.

Saaxiibkay wuxuu sheegay in Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlets ay aqoonsadeen Somaliland. Kama aan warqabin inay awood u leeyihiin inay dalal aqoonsadaan. Dabcan bidhaanta degenaanshaha ee ka soo ifaysa gobalka Geeska Afrika waxay halis ugu jirtaa cabsiyo amni oo kala duwan oo kaga imanaya Al-Shabaab iyo ururo kale oo xag jir ah oo burburinaya dhammaan horumarka la sameeyay.

Doorashooyinka Somaliland dib ayay u dhaceen, laakiin sida uu xildhibaanku sheegay waa inaynaan ka warwarin taas. Somaliland waxay cadaysay inay qaadatay dhaqan dimuqraadiyadeed oo ay fulin doonto rabitaanka dadku ay ku cadaynayaan sanduuqa doorashada, xataa haddii doorashada lagu guulaysto ama lagu waayo dhawr kun oo cod. Waa arrin aad u muhiim u ah runtii.

Xildhibaan Stephen Doughty oo qawadsan jawaabaha wasiirka ayaa hadalka ku soo noqday waxaanu yidhi “Wasiirku si guud ayuu u hadlay, ana waxaan doonayay inaan si toos ah ugu sheego in waxa aan weydiinayay uu si gaar ah ugu saabsanaa hab socodka doorasho ee Somaliland ee aanu ahayn Somaliya, inkastoo uu horumar ka jiro gobalada dhexe. Maxaynu hadda ku hawlanahay si aynu u taageerno geedigaas doorasho ee Somaliland.”

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews