berberatoday.com
Cali Khaliif Oo Ku Dhex Go’doonsan Buuhoodle, Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Fadhiisimo Ka Samaystay Hareeraha Magaaladaasi
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hor joogaha Kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Gallaydh oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gudaha magaaladda Buuhoodle, ayaa la sheegay in uu ku dhex go’doonsan yahay magaaladdaasi, ka dib markii ay diideen in ay soo fadhsiistaan diyaaradihii iman jiray buuhoodle sababo amaan awgood.

ca

 

 

 

 

 

 

 

 

Go’doonkan Buuhoodle ku dhex haysta Cali Khaliif iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa la sheegay in ay sababtay ka dib markii ay ciidamada qaranka Somaliland fadhiisimo ka samaysteen hareeraha magaaladda Buuhoodle si ay u sugaan amaanka deegaankaasi, waxaanay taasi sababtay in Cali Khaliif uu dhinacna uga bixi kari waayo gudaha magaaladda, isaga oo ka cabsi qaba in ay ciidanka qaranku gacanta ku dhigaan haddii uu isku dayo in uu magaaladaasi uga boxo deegaamada kale ee uu hore ugu sugnaan jiray iyo diyaaradihii iman jiray buuhoodle oo la sheegay in ay diideen inay soo fadhiistaan sababo amaan awgeed.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Xaglotoosiye iyo Cali Khaliif Gallaydh oo maalmihii u dambeeyey ku wada sugnaa gudaha magaaladda Buuhoodle, ayaa waan waan ay odayaasha deegaankaasi ka galeen sidii Cali Khaliif uga bixi lahaa magaaladda, ka dib shirar uu wasiir xaglotoosiye la yeeshay odayaashaasi oo ay iskula qaateen in magaaladda laga saaro Cali Khaliif, waxa ay odayaasha reer buuhoodle ku war geliyeen cali in uu iskaga boxo magaaladda,taas oo la sheegay in uu isaguna aqbalay, basle ay caqabad ku noqotay go’doon ku yimid ka bixitaankiisa buuhoodle oo uu illaa hadda ku sugan yahay.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa ku sugan gudaha Magaalada Buuhoodle, halka ay cutubyo kalena Saldhigyo ka samayteen sadexda jiho ee Galbeedka, waqooyiga iyo bariga Buuhoodle, iyada oo ay jihada afraad oo ah ta koonfureed ee magaaladdaasina ay kaga beegan tahay xuduuda Itoobiya ay la wadaagto Somaliland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews