berberatoday.com
Dawladda Canada Oo Degennaansho Rasmi Ah Siisay Qoys Soomaaliyeed Oo Boqortooyada Sucuudigu Ka Badheedhay Ciqaammadoodda
January 28, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Winniperg (Berberatoday.com) – ugu yaran 11-carruur soomaaliyeed oo agoon ah, muddo dheerna deggenaa dalka Sucuudiga, balse sharcigii loo diiday, ayaa deggenaansho ka helay dalka Canada, waxana ay markii ugu horraysay waxbarasho ka bilaabeen Dugsi ku yaalla  magaalada Winnipeg ee dalka Canada. Agoon-Sucuudiga-Somali-Canada0Qoyskan ayaa 14-kii bishan January laga keenay dalka Sucuudiga oo ay ku noolaayeen, kadib markii uu u dacwooday walaalkood oo si qaxootinimo ah ku galay dalka Canada. Waxaana ka qeyb qaatay in caruurtan dalkaasi Canada la keeno hay’adaha Hospitality House Refugee Ministry iyo Rupert’s Land oo taageero ka helaysa shacabka Canada ee dhaqaalaha ugu deeqay kharashka ku baxay safarkooda. Caruurtan aabahood ayaa ka shaqeyn jiray Qunsuliyadii soomaalidu ku lahayd magaalada Jiddah, waxayna sharcigooda waayeen markii waalidkood ay dhinteen. Caruurtan oo gaadhaya 11 ayaa isugu jira wiilal iyo gabdho, isla markaana ku dhashay dalka Sucuudiga balse aan wax sharci ama degenaansho ah ka helin Boqortooyada Sucuudiga. Qoyskan ayaa muddo dheer si cabsi ah ugu noolaa dalka Sucuudiga kadib markii la sheegay in loo tarxiilayo dalka Soomaaliya oo ay Caruurtan weligood arag. Wiilka ugu weyn qoyskan Fahdi Ismaaciil ayaa isagoo 16 sano jir ah si tahriib ah ku galay wadanka Canada, halkaasi oo uu uga dacwooday caruurta la dhalatay, wuxuuna sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in dalka Canada loogu keeno walaalihiis oo ilmaha  ugu yari ay jirto 18 bilood, halka inta kale caruurta ay u dhaxeyso 8 sano illaa 16 sano jir aan qaarkood weligood wax iskuul ah tegin.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews